Hanno Lamaanaha Kuu Qalma!!

0
366

Doorashadaada lamaanne ee xidhiidh guur ama xidhiidh kale oo aasaasi ahi, saamayn badan ayay ku yeelan doontaa jaangoynta guud ahaaneed ee guushaada iyo farxadaadaba marka lala barbardhigo sabab kale oo kasta. Caadiyan sida aad ka warqabto waxa jira dad faro badan, kuwaas oo sanado badan si adag u soo shaqaynayey si ay guul uga gaadhaan dunida shaqada; hadana aad aragtay sida uu u burburay dhammaan wixii ay xaqiijiyeen markii uu meesha ka baxay xidhiidhkii aasaasiga ahaa ee ay la lahaayeen ooryahooda iyo ubadkoodu; kadib markii ay u waayeen wakhti iyo daryeel ku filan.

Dariiqadda ugu macquulsan ee lamaanaha kuu qalma aad ku heli karaysaa kama duwana dariiqadda aad u marto hadaf noloshaada qiime u leh marka aad dejineyso. Markaas oo aad ka fadhiisato hortaadana ay yaalaan buug iyo qalin, si aad u qorto tilmaamaha shakhsiga noloshaada qiimaha u leh. Tajribada noocan oo kale ah marka aad samayneyso, ka sawiro maskaxda adiga oo xadidaya tilmaamaha dalabka iibsasho ee aad hadhaw e-mail-ka ku diri doonto si qofka muhimka ahi uu kuugu soo jawaabo, dhab ahaantiina kaaga qanciyo tilmaamaha aad ku xulatay in uu leeyahay iyo in kale.

Qaado wakhti si aad u qorto faahfaahin kasta oo muhiim ah. Hubi in aad sharaxaad ka bixiso qofka muhiimka ah sida muuqaalkiisa, dhererkiisa, miisaankiisa iyo fayoqabkiisa duleed. Sharaxaad ka bixi qofkaas jawigiisa, shakhsiyadiisa, bulshaawinimadiisa, heerka caqlibadnaantiisa, iyo aqoontiisa iyo sida uu wax u cabiro ama u dareemo. Ku xeeldheeraw inta aad ka awoodo wixii la xidhiidha qiyamka akhlaaqeed ee qofkan, waxyaabaha uu ku qanacsan yahay, falsafadihiisa khaaska ah iyo aragtiyihiisa ku waajahan arrimaha ugu muhiimsan ee nolosha gaar ahaan xaga mudnaanta.

Akhri oo ku celceli akhrinta tilmaamahan maalin kasta. Ku kordhi tafaasiil iyo sifooyin cusub intii aad hore u haysatay, mar kasta oo aad ka fekertoba. Ku samee wax ka bedal iyo qiimeyn sifooyinkii aad hore u haysatay; waxana natiijadu ay noqon doontaa mid aad kuu xiiso gelisa.

Mar kasta oo aad dib u eegto tilmaamaha qofka kula qiimaha weyn, humaaga kuu soo baxayaa waxa uu sida ugu fog; uguna qotoda dheer ugu beermayaa caqligaaga aan soo jeedin (your subconscious mind). Marka aad sawiraneyso sida fiican ee aad dareemi doonto marka aad xidhiidh la samayso qofka kula qiimaha weyn, dareenkaas raali ku noqosho waxa uu dardar galiyaa caqligaaga aan soo jeedin; waxana uu dhiirigaliyaa xeerka soo jiidashada.  Goor ay noqotoba, qofkaas kula qaayaha badan, noloshaada waad ku soo dabaali doontaa.

Talaabada labaad ee aad ku sii xoojineyso xidhiidhkaaga qotoda dheeri, waa adiga oo naftaada u qiimeeya si daacad ah. Mid kamida calaamadaha qofka hanka weyni, waa isaga oo si buuxda uga warhaya meelaha uu u adag yahay iyo meelaha uu u nugul yahay. Qofka hanka weyni waxa uu leeyahay geesinimo iyo daacadnimo uu ku arki karo waaqica dhabta ah ee naftiisa. Isagu waa mid waajihi kara waaqica naftiisa.

Liistayso wax kasta oo ay tahay in aad xidhiidh ku bixiso. Waa maxay dhamaan qodobadaada ugu muhiimsani? Waa maxay dabeecadaha iyo sifooyinka ugu muhiimsan ee aad sanadaha badan soo dhisaysay, kuwaas oo dhab ahaantii kaa dhigaya mid u qalmaya in uu helo qofka uu baadigoobayo?

Imikadan la joogo, naftaada daacad u noqo oo soo liis garee meelaha naftaada ee horumarin kaaga baahan. Miyaanay naftaadu u carbisneyn sidii aad jeclayd in ay u carbisnaato? Miyaanad wakhtigaaga uga faa’iidaysan sidii waajibka kugu ahayd? Mararka qaar ma la kulantaa xaalad ah in sabirku kugu yaraado, ama aad bilaa qaneeco noqoto?  Qor dhammaan sifooyinka dib kuu dhigaya, kadibna qaado go’aan aad ku islaaxineyso dhammaan meelaha aad u jilicsan tahay.

Midna xusuusnow, noloshaada kuma soo dabaali kartid qof shakhsiyad ahaan ka duwan ka caqligaaga meesha ugu fog sida aadka ah uga guuxaya. Hadaad dooneyso in aad soo jiidato qof wanaagsan, adigu ahaw qof wanaagsan.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

 

Leave a Reply