Todoba Sirood oo Sababi Kara in Dakhligaagu Sarre U Kaco

0
341

Waxa jira todoba sirood oo muhiim ah, kuwaas oo aad sare ugu qaadi karto qiimiga shaqadaada iyo dunidaadaba. Mid kasta oo afkaarahan ka mid ahi iskeed way kaafiyi kartaa, maaliyad ahaan in aad meel mar noqoto. Afkaarahaas markaad isku sii wada xidho, waxaad bilaabidoontaa in aad maaliyad abuurto; kadibna aad dhakhso hore ugu marto si aan hore loo arag.

Sirta koowaad ee sare u qaadista qiimahaagu, waa adiga oo hawl kasta u qabta si dhakhso badan. Kordhi xawaaraha aad ku qaban karto hawl gaar ahaaneed oo lagaa sugayo in aad soo gudbiso. Qof waliba maanta waa bilaa dulqaad. Macmiil laga yaabo in aanu shalay u  baahneyn badeecooyinkaaga ama adeegyadaada ayaa laga yaabaa in uu maanta u baahan yahay. Sida ay natiijadu tahay, meeshaas waxa ka muuqda xidhiidh toos ah oo u dhexeeya xawaarahaaga dad u adeegiseed iyo arigtidooda ku aadan qiimaha alaabadaada ama adeegaaga. Kolkaad dhakhso hawl u qabatid, waxa laga yaabaa in laguu arko inaad aad u xirfad badan tahay marka loo eego mid aan sidaada u firfircooneyn. Sidoo kale alaabooyinkaaga waxa loo arki doonaa kuwo tayadoodu sarreyso. Dhakhsuhu waxa uu ku siiyaa fursad aad kaga guuleysato kuwa kula loolamaya, dhinac walba.

Casriyeyn kasta oo lagu sameeyo ganacsiga iyo wershadaha maanta jira waxa looga gol leeyahay in hoos loogu dhimo xadiga wakhti ee ku baxaya sidii loo gaadhi lahaa natiijo cayiman. Waxa looga gol leeyahay in sarre loogu qaado xawaaraha qancineed ee rabitaanada macaamiisha. Horumar kasta oo tignoolajiyadeed waxa looga dan leeyahay xawaareysiinta iyo dardargelinta hanaanka shaqada, si loo gaadho natiijo cayiman. Ugu badnaan aragtiyaha caanka ah ee maamul ee maanta la hirgaliyey waa kuwo u dhiraandhirsan la dhaqanka dhimista xawaaraha iyo wakhtiga.

Aad iyo aad, tartanka ganacsi waxa looga gol leeyahay sidii shirkadaha kale looga hor mari lahaa, iyadoo la raadinayo habab dhakhso badan oo macaamiisha loogu adeego. Dhakhso badni kasta oo cusub oo la xidhiidha qancinta macaamiishu waxa ay noqotaa arrin shirkadda kula loolamaysa ku boorisa in ay bedalkeeda oo kale la shir timaado haddii ay rabto in ay suuqa ku sii jirto.

Gebi ahaan waxaad u baahan tahay hal fikrad oo macaamiisha u adeegta, taasi oo boqolkiiba toban ka dhakhso badan marka loo eego shirkadaha kula loolamaya. Tom Monaghan, Domino’s Pizza waxa uu ku bilaabay hal fikrad oo fudud oo ah in uu Pizza-da u dhigdhigo si ka dhakhso badan cid kale oo kasta oo isaga tartan kula jirtay. Wuxuu hawlgabay isaga oo haysta $1.8 milyan oo doolar. Waa in aad maalin walba ka fekerto sidii aad sarre ugu qaadi lahayd dhakhsaha macmiil u adeegista. Dhakhsuhu waa isha dhabta ah ee qiimaha, kaas oo dadku ay jeclaan doonaan dartii in ay lacagta kuula soo weecdaan.

Sirta labaad ee sarre u qaadista qiimahaaga iyo abuurista hantiyeed, waa adiga oo macaamiishaada u soo bandhiga tayo aad u sarraysa marka loo eego kuwa kula loolamaya iyo weliba qiime la siman qiimaha suuqa. Si aad tayada u wanaajiso, waa in aad baadigoobto sida ay macaamiishaadu wax u rabaan; kadibna raadi habab qancineed oo ku haboon rabitaanada macaamiisha, adoon qiimaha sarre u qaadayn.

Shirkado badani si dhaba uma yaqanaan sida macaamiishoodu ay tayada u qeexaan. Waxa xaqiiqo ah in tayadu ay tahay wax kasta oo macaamiishu ay ku sifeeyaan in ay tahay. Aqoonta maamul ee tayo-dhawr dhamaystiran ayaa si fiican u qeexday tayo waxa ay tahay oo ina odhaneysa, “Tayadu waa fahmidda waxa macmiilkaagu uu si dhaba u rabo iyo in sida ugu dhakhsaha badan loogu diyaariyo sida uu macmiilku rabo marka loo eego kuwa suuqa kugula loolamaya.”

Waraysiyo lala yeeshay kumanaan macmiil ayaa daaha ka rogay in laba arrimood ay dhacaan mar kastoo wax la iibiyoba. Waxa la iibinayo oo ah alaab ama adeeg iyo sida alaabadaas ama adeegaas loo iibinayo. Hadaad hudheel leedahay uma baahnid in aad hudheelo kale la tartanto, laakiin waxaad u baahan tahay in aad qanciso rabitaanada macaamiishada adigoo ugu adeegaya si dhakhso badan, akhlaaq leh, nadaafad leh iyo qiime macquul ah.

Si joogto ah isu weydii, “Sidee ayaan u kordhin karaa tayada waxa aan ka shaqeeyo, anigoo u eegaya waxa dhab ahaan macmiilkaygu ay rabaan?” Adeegso istaraatejiyadan. Dhegayso su’aalaha, soo jeedimaha iyo xitaa cabashooyinka macmiilkaaga. Martiqaad u fidi macaamiishaada si ay kuu siiyaan dareencelimahooda dhabta ah ee ku aadan waxa aad ka shaqayso. Weydii in ay hayaan soo jeedimo kasta oo la xidhiidha sidii aad u wanaajin lahayd tayada alaabahaaga ama adeegyadaada. Haddii aad sidaas yeesho waxay kuu sheegi doonaan waxa aad samayn karayso si aad iyaga u raaligeliso. Fikradahani waxa ay ku siin karaan sirta guusha ee suuqa.

Sirta sadexaad ee maalqabeen aad ku noqon karaysaa waa adiga oo raadiya habab aad qiime ugu kordhiso wax kasta oo aad qabato. Haddii aad dooneyso in aad gaar u istaagto qof ahaan ama shirkad ahaan, waa in aad qiime ku kordhiso wax kasta oo aad qabaneyso sidaasi darteed macmiilkaagu wuu ku fahmi doonaa; waxa aad iibineysaana waxa uu noqon doonaa midka loogu jecel yahay marka loo eego alaabaha ama adeegyada laga iibsado kuwa kula loolamaya.

Maxaad samayn lahayd si aad qiime ugu kordhiso waxa maalin walba aad qabato? Dadka wax iibiya ayaa qiime ku kordhiya waxa ay ka shaqeeyaan, kuwaas oo su’aalo wacan waydiiya; si taxadar lehna u dhegaysta macaamiishooda. Inta badan su’aaluhu waa kuwo la xidhiidha alaabooyinka ama adeegyada ay macaamiishooda ugu talogaleen. Sida ay natiijadu tahay, wax iibiyeyaasha sidaas wax ugu dhug yeesha, macaamiishu aad ayey u qadariyaan; waanay ka soo dhawaystaan wax iibiyeyaasha kale ee aan dareenkaas lahayn.

Sirta afraad ee qiime ku darista waxqabadkaagu waa  fudaydinta ah in wax lagaa iibsado, si loo isticmaalo alaabooyinkaaga ama adeegyadaada. Hudheelada cuntooyinka fudud iibiya ee kumanaanka ahi, waxay ku xisaabtamaan intee oo qof ayaa lacag la diyaar ah oo danaynaya in si fudud wax looga iibiyo. Boqolkiiba 15 ilaa boqolkiiba 20, macaamiishu waxay lacagta ku bixiyaan tayada alaabooyinka. Waa arrin mudan marka iyaga loo eego, ma doonayaan in ay gaadhiga u kaxaystaan dhanka magaalada si ay u aadaan xarun dukaamaysi ama booshari weyn oo khudradeed si ay wax uga soo gataan, laakiin waxa ay doonayaan tacab la’aan sida ugu fudud in ay ku helaan waxa ay doonayaan.

Sida badanaaba mushiinada lacag kala bixistu ay caanka ku yihiin oo ah in ay 24-kii saacadoodba shaqeeyaan waa tusaale tayo oo muujinaya fudaydin la kordhiyey. Bangiyadu waxay awoodi jireen kordhinta qiimahooda la xidhiidha macaamiishooda, iyaga oo u fudaydin jiray lacag dhigashada iyo lacag la bixista.

Sidee ayaad  ugu fudaydin kartaa macmiilkaagu in ay isticmaalaan alaabahaaga iyo adeegyadaada? Sidee ayaad uga dhigi mid fudud in ay kugula macaamilaan kalsooni buuxda, si aanu midkoodna ugu fikirin in uu macmiil u noqdo cid kale oo aan adiga ahayn?

Sirta shanaad ee abuurista qiimaha iyo kordhinta qaninimadu waa wanaajinta adeegga macmiilka iyo ula dhaqmidda sida ugu fiican. Inta ugu badan dadku waa caadifiyiin. Waxa si weyn u saamaysa diiranaanta iyo dabacsanida bulshaawinimo ee dadka ay macmiilka u yihiin. Istaraatejiyadaha ugu fiican ee u adeegidda macmiil, waxa loo arkaa in ay yihiin kuwa aasaaska u ah loolanada adag ee ka jira suuqyada aadka u adag.

Halka shay ee shirkaduhu ay ku kala horumaraan ma aha alaabooyinka iyo adeegyada ay iibiyaan, laakiin waxay isku dhaafeen waa habka ay macaamiishooda ula dhaqmaan. Laba shirkadood oo alaabo isku mida iibinayaa maxay u kala macaamiil bataan? Maxay sadex shirkadood oo alaabo ama adeeg isku mida iibinaya ay midi u kacdaa, midina u kori waydaa; mid kalena ay u kobocdaa oo ay u fidaa; una yeelataa laamo faro badan? sababtu waa sida diiranida iyo dabacsanida leh ee ay macaamiishooda ula dhaqmaan.

 

Sirta lixaad ee kordhinta qiimaha iyo abuurista qaninimadu waa u dhug yeelashada iyo aqoonsashada isbedelka ku imanaya haykalada nolosha. Raadi habab kooxaha macmiil—ee isugu jira waayeelka iyo dhalinta, maalqabeenada iyo dadka dakhligoodu dhexdhexaadka yahay—ay u bedalayaan rabitaanadooda, dhadhanadooda, iyo waxyaabaha ay ahmiyadda siiyaan. Daraasad ku samee saamaynta abuuritaanka haykallo ama dookhyo cusubi ay ku yeelan karaan habdhaqanada macaamiisha iyo haykalada wax iibsasho ee alaabooyin iyo adeegyo kala duwan.

Tusaale ahaan, sanad walba waxa hawlgaba malaayiin dad ah; hawlgabayaashuna waxa ay noolaadaan in ka badan intii ay hore u soo noolaayeen. Waxa jira haykal guud oo ku aadan koolkoolinta ama in wakhti badan guri joogis lagu qaato. Dad faro badan ayaa lacag farobadan galinaya sidii ay degsiimooyinkooda guryeed uga dhigi lahaayeen kuwo aad u raaxo badan.

Dhalinyartii dhawr sanno ka hor noolaa iyo kuwa kuwaa hore halkoodii marayaa, way kala dookh duwan yihiin. Haykalada iyo marxaladaha nolosha ee isbedelaya ayaa abuuraya fursado waxsoosaar iyo kuwo adeeg oo aan hore u jirin. kaliya waxaad u baahan tahay hal fikrad cusub oo aad ka dhex siraado suuq imika uun madaxa la soo kacaya, si aad u sii ambaqaado halganka aad ugu jirto inaad hesho madaxbanaani maaliyadeed.

Tusaale yar oo kooban, saddex nin ayaa ganacsi wada bilaabay; waxana ay sameeyeen shirkad la yidhaahdo California Pizza Kitchen. Xikmada California Pizza Kitchen waxay ahayd in la suuq geeyo “cunto fudud oo tayo leh,” taasi oo guud ahaan ka koobneyd khudaar jarjaran oo aan la karin iyo pizza tayo sarre leh oo si fiican loo diyaariyey.

Aragtidaasi ayaa durbadiiba caan baxday. Xaruntoodii yarayd waxa si dhakhso badan uga sii farcamay 42 hudheel oo kale. Markii ay halkaas marayeen, shirkada Pepsi ayaa ku soo dhex dhacday; aasaasayaashiina ku iibsatay $17 milyan oo doolar. Waxay aasaaseen nolol.

Haykal ama dookh noocee ah ayaad ka dhex arki karaysaa macaamiisha wershadaada ama ganacsigaaga taasi oo aad uga faa’iidaysan karto sidii aad uga iibin lahayd wax cusub oo aan hore u jirin?

Macaamiisha maanta qancintoodu ma sahlana, waana kuwo soo jeeda oo aqoon leh. Sidee ayaad dib ugu abaabuli kartaa; dibna ugu qaabeyn kartaa iibgaymahaaga si aad u soo jiidato kooxo kala duwan oo macaamiil ah oo dookhooda wata?

sirta todobaad ee aad macaamiil farobadan ku soo jiidan karto; hanti gaar ahaaneedna aad ku abuuran kartaa waa: adiga oo hoos u dhiga qiimaha aad wax ku iibineyso. Raadi habab kuu gaar ah si alaabooyin iyo adeegyo badan aad uga iibiso dad aad u badan; una samee qiime dhimis. “Haddii aad dooneyso in aad casho la qaadato dadka maalqabeenada ah, waxa haboon waxaad haysaba in aad ka iibiso kuwooda jeeb ahaan dhexdhexaadka ah.”

Ugu dambayntii,waxaad awoodi kartaa in aad wax iibinahaaga iyo macaashyadaadaba aad sii libinlaabto adiga oo isku xidhiidhinaya sirahan ama dariiqooyinkan kala duwan ee qiimaha ku kordhinaya waxa aad ka shaqayso. Waxa laga yaabaa wakhti isku mida in aad adeegsato laba dariiqo ama wax ka badan. Haddii aad raadiso dariiqooyin aad sarre ugu qaadayso dhakhsaha macmiil u adeegista, wanaaji tayada, sarre u qaad fudaydinta dhakhsaha shaygaas lagu helayo ama lagu isticmaalayo, bixi adeeg macmiil oo wanaagsan, la jaanqaad isbedelada dookhyada iyo haykalada nololeed; waana in aad hesho siyaabo aad qiimaha u dhinto, intaa kadib waxaad la ashqaraari doontaa tirada aan macquulka ahayn ee fikradaha iyo ixtimaalada aad curin doonto.

Hubaashii hal fikrad oo aad ugu adeegto qof macmiil ah oo aanay cidina hore uga fekerin ayaa laga yaabaa in ay bar bilaw u noqoto waji cusub oo nololeed iyo guul maaliyadeed oo mudo sii jirta.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply