Biilashii iyo Kaadhadhkii deynta ee Madaxweyne Bolsanoro oo dadku ka yaabeen

0
274

Madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro ayaa Jimcihii la sii daayey Biilashii iyo Kharashaadkii uu sida gaarka ah u isticmaalay intii uu xafiiska joogay waxa laga yaabay kharashaadka xad-dhaafka ah ee uu ku bixiyey meelo iyo Huteelo oo wax ka iibsaday. Huteel dhexdhexaad ah oo wax laga cuno ayaa hal mar lagu shubay in ka badan $21,000  oo doolar, sidoo kale $10,700 oo Dolar ayaa lagu kharash gareeyay roodhida hal maalin gudaheed. Siideynta biilasha iyo kharashaadka kale kaadhadhka deynta ee rasmiga ah ee madaxweynihii hore ayaa kor u qaadaya indhaha Brazil.

In ka badan 27.6 milyan oo reais, oo lacagta dalkaas ah una dhiganta in ka badan $5 milyan Dolar qiimaha sarrifka maanta – ayaa lagu soo oogay kaadhka madaxweynaha midigta fog intii lagu jiray muddadiisa afarta sano ah, sida lagu sheegay bayaannada xisaabaadka ee lagu daabacay mareegta dawladda.

Si ka duwan madaxdii ka horreeyay, Bolsonaro wuxuu tuuray kharashaad qarsoodi ah oo aan hore loo isticmaalin in ka badan 100-sano waxaana la qariyey kaadhadhkoodii deynta iyo macluumaadka kale ee rasmiga ahaa, madaxweyne Luiz Inacio Lula da Silva oo la doortay isla markaana uu diiday inuu xilka ku wareejiyo ayaa bilaabay inuu kor u qaado arrimahaas.

Bolsonaro iyo 21 xubnood oo kooxdiisa ah ayaa galaan gal u lahaa kaadhadhka deynta iyo kharashaadka.

Marka loo qiyaaso sicir bararka haatan haysta Brazil, lacagta kaadhadhka lagu soo dalacay waxay ku dhowdahay kala badh kharashkii Lula dawladiisu isticmaashay afartii sano ee ugu horaysay xilkiisii wakhtigii hore oo ka bilowday 2003 –

Bolsonaro wuxuu had iyo jeer sheegan jiray in aan “hal dinaar” oo kaadh ah aan lagu soo dalicin.

Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxa lagu ogaatay in ka badan $235,000 uu Bolsonaro ku qaatay fasaxyadii 2019, 2020 iyo 2021. Taas oo u dhiganta qiimaha maanta.

Ku dhawaad ​​$14,000 ayaa lagu kharash gareeyay hal mar oo lagu tagay kaalin shidaal, iyo $286,000 oo kale lagu karash gareeyey booqashooyin dhowr ah oo lagu tagay huteel qaali ah oo ku yaala Guaruja, oo ah goob loo dalxiis tago oo u dhaw Sao Paulo.

Sida laga soo xigtay mareegaha G1, huteelka waxa degay xubno Bolsonaro la socday intii uu ku sugnaa dhismo ciidan.

Kharashyada cunnada ayaa ka mid ahaa alaabooyinka biilka ugu yaabka badan. Hal mar oo la booqday makhaayad ku taal Boa Vista oo ku taal gobolka Amazon ee Roraima, kaadhka madaxweynaha ayaa loo isticmaalay in lagu bixiyo biil ka badan $21,000.

Taasi waxay ku filnaan lahayd dalabka 2,000 oo saxan oo ah saxanka ugu qaalisan ee makhaayaddaha wax lagu cunno, marka la dalbado digaag duban oo baradho ama Beed la raaciyey, kaas oo qiimihiisu ka yar yahay $10 Dollar.

Kaadhka Madaxweynaha ayaa sidoo kale loo isticmaalay in lagu dalaco in ka badan $71,000 muddo afar sano ah goob rooti lagu sameeyo oo ku taal Rio de Janeiro.

Lacagtan qayb ka mid ah oo dhan ku dhowaad ​​$11,000 ayaa lagu kharash gareeyay hal mar: maalin ka dib arooskii wiilka Bolsonaro. Waxa kale oo ay dhacday habeen hore isu soo bax mootada oo ay soo abaabuleen taageerayaasha Bolsonaro oo ka dhacay waddooyinka Rio. Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyay dukaamada Ice Kiriimka ama jalaatada.

 

Leave a Reply