Ra’iisul Wasaaraha Japan: Bariga Aasiya waxay noqon kartaa Ukraine-ta soo socota

0
325

Isaga oo ku booriyay in hal meel looga soo wada jeesto Shiinaha oo kor u kacaya iyo Waqooyiga Kuuriya, Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa u sheegay quwadaha reer galbeedka in Bariga Aasiya ay noqon karto Ukraine-ta soo socota.

Isaga oo hawl qabadkiisa sanadkan cusub ka bilaabay shirka madaxa kooxda todobada ah, G-7, Kishida waxa uu booqday hogaamiyayaasha dhamaan xubnaha G-7 marka laga reebo Jarmalka, halkaas oo uu qorsheynayo inuu aado dhawaan. Isaga oo ku soo xidhaya safarkiisa Washington, Kishida wuxuu sheegay Sabtidii inuu la wadaagay hoggaamiyeyaasha G-7 “dareenka adag ee qalalaasaha ee ku saabsan ammaanka deegaanka Bariga Aasiya.”

“Bariga Aasiya waxa laga yaabaa in ay noqoto Ukraine-tii berrito” ayuu Kishida ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay maalin kaddib markii uu la kulmay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, isaga oo ku tilmaamay walaaca ammaan ee labada gobol(USA iyo Japan) mid aan la kala maarmin.

“Xaaladdaha ku xeeran Japan waxa ay noqonaysaa mid aad u daran waxaana ay Japan ka werweraysaa Badda Bariga Shiinaha iyo Koonfurta Shiinaha iyada oo ay jiraan dardargelinta hawlaha Nukliyeerka iyo Gantaalada ee Waqooyiga Kuuriya,” ayuu yidhi.

Kishida waxa uu ula jeeday kalsoonida Shiinaha ee sii kordheysa ee biyaha ku hareeraysan Japan halkaas oo Beijing ay muran jasiiradeed kala dhexeeyaan Japan, Filibiin iyo Vietnam.

Shiinaha ayaa bishii Ogosto sidoo kale gantaalo ku riday biyaha ku yaal aagga dhaqaalaha Japan, taas oo qayb ka ah dhoolatusyada milatari ee waaweyn ee ku wareegsan Taiwan, oo ah Jamuuriyad iskeed isu maamusho oo Beijing ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda oo ay dhowr jeer tilmaamtay in aanay meesha ka saarin in ay xoog ku qaadato.

Kishida ayaa yimid Washington ka dib markii ay dowladiisa ku dhawaaqday in Japan ay laba jibaari doonto kharashka dhanka difaaca shanta sano ee soo socota, taasi oo ah isbedel dhanka badda ah oo ku yimid wadan si rasmi ah nabad u ahaa tan iyo markii looga adkaaday dagaalkii labaad ee aduunka.

Kishida waxa uu sheegay in uu ka shaqayn doono in uu “si fiican ugu sharaxo dadweynaha” baahida loo qabo in loo isticmaalo lacagta cashuurta si kor loogu qaado kharashka difaaca ee boqolkiiba laba GDP – gool ay si gaar ah u dejisay NATO in dalal badan ay aqbalayaan tan iyo duulaankii Russia ee Ukraine.

Waxaa ka mid ah tillaabooyinka kale ee lagu qaaday istiraatiijiyada cusub ee difaaca, Japan waxay horumarin doontaa awoodda “ka-hortagga” si ay ugu garaacdo goobaha halista ah waxayna rajaynaysaa inay iibsato boqollaal gantaallada safarka ah ee Tomahawk, oo hadda ku jira oo keliya hubka Maraykanka iyo Ingiriiska.

Kishida wuxuu sheegay inuu kala hadlay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska iyo Talyaaniga, Rishi Sunak iyo Giorgia Meloni, sidii horay loogu sii wadi lahaa horumarinta saddex geesoodka ah ee jiilka soo socda ee diyaaradaha dagaalka oo adeegsada sirdoonka macmal.

Hogaamiyayaasha G-7 — Britain, Canada, France, Germany, Italy, Japan iyo US — ayaa shirkooda bisha May ku yeelan doona magaalada Hiroshima ee dalka Japan, oo ah goobta uu ka dhacay weerarkii ugu horeeyay ee Nukliyeerka iyo deegaanka Kishida.

 

Leave a Reply