Sidee Ayuu Ku Noqday Maalqabeen ?!

0
300

Warren Edward Buffett wakhtigan da’diisu waa 90 sano waana ninka sadexaad ee dunida ugu taajirsan. Wuxu ku dhashay dalka Maraykanka sanadkii 1930.  Markii ay da’diisu ahayd 11 sano magaalada uu ku dhashay ee Nebraska oo ku taalla badhtamaha Maraykanka waxa uu dariiqyada ku iibin jiray isagoo la wareegaya Nacnac, xanjada, sharaabka fudud iyo wargeysyada dalka ka soo baxa.

Markii danbena Booshari khudaarta lagu iibiyo ayuu shaqaale ka nodqday. Lacagtii uu kaydsaday intii uu hayay shaqooyinkaasi kala duwan oo oo dhamayd $ 35 keliya ayuu sanadkii 1945 ku bilaabay meherad uu curiyay oo iskii u lahaa.  Edward waa ninka sadexaad ee dunida maanta ugu taajirsan, waxaana uu sheegay inuu weligii uu ku fikiri jiray in maalin uu noqdo maalqabeenka dunida ilaa wakhtigii uu yaraa.

Hamigaasi oo uu kaga dhabeeyay markii uu sanadkii 2008 noqday ninka dunida ugu taajirsan, inkasta oo sanadadii ka danbeeyay laga qaaday horyaalka taajirka dunida oo ay ku soo bexeen rag kale. Arinka aad hamiga ku haysaa waad gaadhi kartaa markaa aad ficil ahaan uga shaqayso.  Odayga Warren Edward Buffett hantidiisa waxa maanta lagu qiyaasay $ 48 bilyan.

Wakhtigan waxa uu hay’adaha kaalmada bixiya siiyay lacagaha ugu badan waxaana uu ku caawiyay lacago gaadhay $ 30.9 – 80 Milyan doller taasi oo ka dhigtay kan labaad ee ugu deeqda badan hay’adaha samafalka. Edward waxa uu sheegay in arimaha u fududeeyay inuu noqdo maalqabeen ay tahay isagoo kaydsan jiray lacagta uu baahida u qabo oo xataa aan ku isticmaali  jirin arimaha madadaalada iyo mukhaadaraadka. Waxaana uu yidhi  :” Weligay ma bixin hal shilin oo aniga in waxtar ii leh”.

Leave a Reply