Wasiirka Shaqo Gelinta oo Kormeer ka Bilaabay Berbera

0
279

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) ayaa magaalada Berbera ka bilaabay kormeer lagu dardargelinayo wajiga 2aad ee diiwangelinta codbixiyaasha Gobolka Saaxil.

Waxaana uu socdaal ku tagay goobaha ay ka socdaan hawlaha diiwangelinta codbixiyaasha ee gudaha magaalada Berbera wasiirka oo hore usoo maray deeganada u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa.

Sidaas oo kala waxa ku wehelinayaya socdaalkan maamulka gobolka iyo deeganka . Waxaana kormeerka wasiirka ku wehelinaayey maamulka heer gobol iyo heer degmo.

Dhanka kale wasiirku wuxuu bulsha waynta magaalada kula shaahay mid kamida maqaaxiyaha ay bylshadu isugu timaado halkaas oo wasiirku dhegaystay afkaarta bulshada gobolka saaxil.

Leave a Reply