Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dhaliil u jeedisay Safiir Maraykan ah

0
340

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay inaanu jahwareer ka taagnayn in dekedda Berbera ku taalo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland aanay ka mid ahayn dawladii burburtay ee Soomaaliya.

Qoraal uu bartiisa Twitter ku baahiyey ayuu Dr Ciise ku sheegay inaanu wax jahwareer ah ka taagnayn in Dekedda Berbera ku taalo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland aanay ka mid ahayn dawladii burburtay ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa lagu dhaleeceeyey qoraal safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ka qortay socdaal Ciidamada Maraykanku ku yimaadeen Dekeda Berbera. Waxaanu u dhignaa sidan;

“Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Maraykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in Somaliland loogu yeedho magaca saxda ah, ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, inkastoo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya.

Qoraalka Wasaarada ayaa lagu sheegay inay meel-ka-dhac ku tahay karaamada buslshada Somaliland, ‘In Somaliland lagu tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya.

Somaliland waxay martigelinaysaa Hawlgalka Milliteriga Maraykanka oo fulinaya Dhoolatuska Millateri ee loo igmaday.

Wasaarada Arrimaha Dibedda oo isweydiin gelisay ujeedada Danjire Andre ee qoraalkiisa khaldan, ayaa hoosta ka xariiqday in    Jamhuuriyadda Somaliland mar walba diyaar u tahay inay iskaashi la yeelato Maraykanka

 

Leave a Reply