Guddoomiyaha Koomishanka oo Kormeer ku soo Maray Goobaha Diwaangelinta Doorashooyinka ee Dalka

0
183

Sheekh (Dawan) Gudoomiyaha koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer ku soo maray xarumaha diwaangelintu ay ka socoto ee gobollada dalka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in ay soo gaba’gabeen kormeer ay u kuur-galeen habsami-usocodka diiwaangalinta Codbixiyayaasha, iyaga oo warbixino kala duwan oo la xidhiidha hannaanka ay u socoto diwaaneglinta codbixiyayaashu ka dhageystay dadkii isdiwaangelinayan iyo guddoomiye xarumeedyada guddida doorashooyinka.

Guddomiyuhu waxa uu siweyn ugu mahadnaqay ciidamada booliska iyo shaqaalaha guddida doorashooyinka ee ka shaqaynaya goobaha diwaangelinta, isaga oo ka codsaday in ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay ka koomishan ahaan sidii ay bulshada ugu fududaynlahaayeen diwaangelinta iyo in qofkasta helo xaqiisa dastuuriga ah.

Waxaanu yidhi.“Farxad weyn ayay noo tahay in aanu maanta soo booqano degmada Sheekh oo degmo aad iyo aad u weyna, isla markaana ay degan yihiin bulsho aad u badan, in aanu soo booqano degmadan oo ah tii u danbaysay ee diwaangelintu ka socoto, dadkiina sifiican ayay isu diwaangeliyeen.

Ujeedada kormeerkayaguna waxa ay tahay inta hadhay in la dardargeliyo in la iskaashado, haddii ay tahay heer gobol iyo heer degaanba, oo dadka la diwaangeliyo loona fududeeyo dadku sidii ay xaqooda u helilahaayeen.

Waxaanu aad iyo aad ugu mahadcelinayna ciidamada booliska ee ka shaqaynaya goobaha diwaangelinta iyo shaqaalaha diwaangelinta, waxa aanu rajjaynayna diwaangelin wanaagsan, anaga koomishan ahaana waxa naga go’an in ay dadku sifiican isu diwaangeliyaan.”

 

 

 

 

Leave a Reply