Muwaadin Isbedel Kama horeeyo Is-diwaan-gelinta ee Is-diwaan-geli”

0
321

Isuduwaha Haya’ada Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Maroodi Jeex Dr. Maxamuud Saleebaan Xaaji Ducaale( M. Siyaad) ayaa bulshada reer Somaliland ku boorriyay in ay is-diwaaan-geliyaan oo ay qaataan kaadhka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Isuduwaha Haya’ada Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Maroodi Jeex Dr. Maxamuud Saleebaan Xaaji Ducaale( M. Siyaad) waxa uu bulshada ku booriyay in ay qaataan kaadhka kaadhka codbixinta oo ah xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin, waxaanu bulshada u iftiimiyay in aan isbedel iyo horumar ka horeeyaa aanu jirin qaadashada kaadhka codbixinta.

Isuduwaha Haya’ada Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Maroodi Jeex Dr. Maxamuud Saleebaan Xaaji Ducaale( M. Siyaad) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii uu kaa lumay Kaadh-kii Cod-daytu, Haddii aanad Jaanis hore u helin in aad hesho kaadh-ka Cod-daynta, Haddii aad doonayso in aad ka bedelato goobtii hore aad ka cod-dayn jirtay, Una bedelato goob Kale, Haddii aad doonayso in aad doorato hugaamiyaha ka guuxaya Maankaaga, haddii aad doonayso in aad Xulato hugaamiyaha aad jeceshahay in uu hugaamiyo Dalkaaga, Haddii aad doonayso in aad soo Saarto Mudanaha aad doonayso in uu kugu Metelo golayaasha Kala duwan ee Qaranka Maal-maha dambe ee Iman doona, Haddii aad doonayso in aad Saami ku yeelato go’aaminta Mustaq-balka bulshadaadada, haddii aad doonayso in aad gudato Waajib-ka Qaran iyo Xaquuqdadada Dastuuriga ah ee hal ku dhigeegu yahay:

“In aad Wax-doorato ama lagu doorto” Muwaadin IIs-bedel Kama horeeyo Is’diwaangelinta ee Is Diwaan-geli.

Dr. Maxamuud Saleebaan X. Ducaale( M. Siyaad).

Isuduwaha Haya”ada Dhawrista Tayada Gobolka M.Jeex.

 

 

 

Leave a Reply