Maalmaha Cabsida Iyo Argagax Ee Yurub !

0
280

Maalin kasta oo ay bishu 13 tahay isla markaana ku beeganta Jimce waxa ay noqotay maalin reer galbeedka u aaminsan yihiin inay tahay maalin baas oo belaayo dhacayso.

Sidaa darteed kama soo baxaan guryahooda, maalintan ayaa sanadkii ugu yaraan hal mar gasha, ugu badnaan 3 jeer. Sanadkii 2015 saddex  jeer ayaa galay 13 Feberwer, March, iyo Novemeber.  Sanadkan waxa galaya laba maalmood oo keliya Bishan Janaweri iyo bisha October.

Cabsida aan caqliga ku dhisnayn ee dunida xadaarada iyo casriga ku faanta laga aaminsan yahay ayaa lagu magacaaba “triskaidekaphobia” oo ah erayo Giriig ah.

Sida uu sheegayo taariikh qoraha Mr.Donald Dossey, dhaqanka nasiib darrada ah ee lagu lamaaneeyay tirada “13” waxa ay ka soo jeedaa  sheeko xariirada “Norse”  oo ku saabsan in 12 saaxiroole ay xaflad casho ah ku samaysteen Valhalla. Shaydaanka oo aan la casuumin, ayaa yimid oo noqday ka 13-aad. Isla markiiba waa uu cadhooday waxaana uu fallaadh ku ganay Balder. Balder markiiba waa uu dhintay.  Dhulka waa uu madoobaaday. Waxaana ay rumaysteen inay  maalin xun tahay, oo aan nasiib lahayn.” Dhacdadan qisaska Norse waxa ay sababtay in lambarka 13 loo tixgeliyo nasiib darro.

Wakhtigan maalinta kasta oo Jimcaha  bishuna 13 tahay,  waa maalin ay ku jiraan dadkaasi argagax iyo cabsi joogto, oo guryahooda iska joogaan iyagoo aaminsan inay tahay maalin belaayo iyo nasiib xumo ku lammaan tahay.

Waxa la sheegay inay suurtagal tahay in faafitaanka iyo rumaysashada khuraafaadkan uu qayb weyn ka qaatay buuga caanka ah ee uu qoray Thomas W. Lawson ee lagu magacaabo “ Jimcihii 13”, kaasi ayaa qayb weyn ka qaatay faafinta iyo rumaysashada khuraafaadkan.

Buugga Novelka ah ee dilaal aan damiir lahayn ayaa isna ka faa’iidaystay faafitaanka caadadan cabsida xambraasan. Dalalka iyaguna ku hadla luqadda Spanishka ayaa caado u leh inay tahay maalinta salaasada ee bishu 13,   maalin baas oo belaayo dhacayso.

 

Leave a Reply