Wefti Soo Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Gabiley

0
325

Gabiley (Dawan): Wefti uu hogaamimayay wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Gabiley.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley, maayarka Gabiley, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, xubnaha golaha deegaanka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.

Ujeedadda kormeerka weftigaasi ayaa ahayd sidii ay u soo kormeeri lahaayeen hab sami u socodka goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolkaasi.

Diiwaan-gelinta ayaa dalka ka socoto maalintii 21aad, iyadoona ay sagaal maalmood ka hadhsan yihiin wakhtigii loo qorsheeyay la soo gebagabeeyo.

Magaalooyinka, iyo deegaamadda ay weftigaasi soo kormeereen waxaa ka mid ahaa Allabaybaday, Wajaale, Idhanka Deerayahanka, Geed-balaadh, iyo Kalabaydh, dhamaanba goobahaasi ayay shaqadu si wanaagsan uga socotay, iyadoo aanay jirin wax cilad farsamo ah.

Weftigaasi ayaa socdaalkoodda ka bilaabay magaaladda Allaybaday, waxaanay ku soo gebageeyeen magaaladda Gabiley, oo laba goobood ay ka yaalaan sanduuqyadda kaadh qaadashadu.

Masuuliyiintaasi oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo dhameeyeen kormeerkoodda ayaa bulshadda gobolka Gabiley ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan mudadda kooban ee ka hadhay diiwaangelinta oo ah sagaal maalmood in ay kaadhadhka qaataan.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland C/weli Sheekh Suufi, ayaa sheegay in diiwaan gelintu ay si fiican uga socotay dhamaanba goobihii ay soo mareen.

Inkastoo uu ay tiradda goobuhu aad u yar yihiin, marka loo eeggo tiradda dadweynaha oo aad u fara badan, sida uu wasiirku sheegay.

“Kormeer la xidhiidhay qaabka ay diiwaan-gelintu uga socoto gobolkan Gabiley. Waxaanan ku soo aragnay in ay si fiican uga socoto. Waxa cilad ahna kumaanaan arag. Waxaan halkan baaq uga diraynaa dadka reer Gabiley, ee aan weli is-diiwaan-gelinin, in ay goobaha tagaan, oo ay is-diiwaan-geliyaan, oo ay qaataan kaadhka codbixinta.

Inkastoo ay goobuhu ku yar yihiin gobolka, dadkuna ay aad u badan yihiin” ayuu yidhi wasiir Suufi.

Geesta kale badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa u jeedadda kormeerkoodda ku tilmaamay inuu daarranaa dar-dar gelinta maalmaha yar ee kooban ee ka hadhay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaanu yidhi, “Kormeerkaasi oo daaranaa, dar-dar gelinta maalmaha yar ee kooban ee ka hadhay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Dadweynaha waxaan u dirayaa fariin, waxaanan ugu baaqayaa in ay ka faa’iidaystaan mudadda kooban ee ka hadhay diiwaan-gelinta”.

 

 

 

 

Leave a Reply