Xukuumada oo Wada Qorshe Gargaar lagu Gaadhsiinayo Danyarta Laascaanood

0
273

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa kulan ku saab sidii taakulo loo gaadhsiilaha dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Laascaanood la qaatay qaar ka mida hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha waxa uu sheegay in kulankaasi uu salka ku hayay in bulshada danyarta ah ee ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sidii loo gaadhsiinlahaa kaalmo bini’aadanimo.

Guddoomiye Xinif waxa uu intaas raaciyay in kulankaasi lagaga wada hadlay intii uu socday sidii bulshada ku nool gudaha magaalada Laascaanood loo gaadhsiinlahaa adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, biyaha iyo arrimaha kale ee dadkaasi u baahanyihiin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in kulanka dhexmaray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ee wada shaqaynta ay leeyihiin uu salka ku hayo in sida ugu dhakhsaha badan dadkaasi loo gaadhsiiyo taakulo.

Waxaanu yidhi.“Maalmahanba waxa aanu ka shaqaynaynay sidii aanu hay’addaha ugala kulmi lahayn hawsha Laascaanood, arrinta Laascaanood uga hadli mayno si siyaasi ah, balse waxa aynu uga hadlayna si bini’aadanimo, dawladdu waxa ay waddaa qorshaheedii iyo wixi ay taakulo dadkaasi ugu talo gashay.

Waxa hadda aynu u baahanahay waa waxyaabaha deg dega ah, kaas oo ugu horreeyo raashinka, biyaha, kooxo caafimaad oo wareega, biyaha iyo weelkii lagu shubayay, wax deg deg ah oo dadka hadda lala gaadho ayaynu u baahanahay, hay’addihii caafimaadka ka shaqaynayayna way joogaan, dawladdiina way joogta oo ilaa 8 wasiir ayaa magaalada Laascaanood ku sugan, taliyayaashi ciidamada oo dhan ayaa jooga, dadkaasi oo dhami waxa ay diyaar u yihiin sidii dadkaasi wax loogu qabanlahaa.

Warbixin ayaad naga sugaysaan waanu idiin keeni doona, idinkana jawaabtu yaanay idinku raagin,”.

Gaba’gabadii guddoomiye Xinif waxa uu hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah intaba ku adkeeyay in ay marka ay warbixin dhammeystiran ugudbiyaan ka hay’ad ahaan iyaguna ay si deg deg ah uga soo jawaabaan, isla markaana kulankan ka xiga la isugu soo noqdo maalinta Khamiista ee toddobaadkan dhammaadkiisa haddii ILLAAHEY yidhaadhdo.

 

 

 

Leave a Reply