Wasaaradda Warfaafinta oo daah-furtay kulan lagu soo bandhigay Qorshaha Sannadeedka 2023

0
233

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Siciid Xasan Habbane ayaa shalay daah-furay kulan lagu qiimaynayo qorshihii sannadkii dhamaaday ee 2022-ka iyo dejinta qorshaha cusub ee sannadka 2023 ee Wasaaradaas.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Siciid Xasan Habbane oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan loo qabtay. Waxaana uu yidhi “Ummadi markay hawl qabanayso dabcan waa inay qorshe yeelataa, horumarku maaha dhaqaale iyo in mar kasta faraqu kuu buuxo.waxa aan ku amaanayaa masuuliyiinta halkan fadhiya ka go,naanshaha hawshan.waxaana aynu u baahanahay in aynu duruus ka barano wixii caqabada ee ina soo maray in aynu wixii dambana aynu saxno .waxaana aynu u baahanahay in aynu kordhino qaybahaa Warbaahinta u kordhayso,si madakarnimo ka muuqato ayaynu u jawaabaynaa erayada aflagaadada ah ayaa aad u faafa,”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdikariim Aadan Cadde oo hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay muhiimada kulankani leeyahay.Waxaana uu yidhi

Sannadkii 2022 ee ina dhaafay qiimayntiisa waxa inooga soo bixi doonta meelaha u baahan in la xoojiyo,muhiimada aynu culayska saaraynaa waa qorshaha sannadkii 2023 ka,marka laga hadlayo masuuliyadda dawladnimada dawlad aan qorshe la hani meel magaadho nolosha oo dhami qorshe ayay ku xidhantahay”.

 

 

Leave a Reply