Nolosha Lama Kala Maarmo!

0
432

Qaringii 19aad   (1861-1865) Dagaalkii sokeeye ee u dhexmarayay ciidankii waqooyiga iyo kuwii koonfurta Maraykanka, ciidamada koonfurta Maraykanka waxa ay haysteen cudbi suuf oo ay askartoodu xidhan jirtay kaasi oo ka celin jiray barafka iyo dhaxanta, laakiin waxay aad ugu baahdeen xashiishadda taasi oo loo isticmaali jiray sida dawada xanuun biiyaha ah.waxaana adeegsan jiray askarta dhaawaca ah oo isku ilawsiin jiray xanuunka.

Ciidamadii isbahaygii woqooyiga Maraykanka ee ka soo horjeeday ayaa iyaguna haystay xashiishadda laakiin waxa ay aad u raadinayeen suufka cudbiga ah ee ay dhaxanta iska celin lahaayen.

labada ciidan ayay dantu ku khasabtay iyagoo weli aan heshiis buuxa oo dagaalka gaadhin inay ku heshiiyaan inay alaabta mid kasta hayo kana kale kaga bedesho tan uu haysto. Waana dabeecedda dunida iyo abuurkeeda in la wada noolaado ayaana ka wanaagsan in la kala noolaado, waayo lama kala maarmo. Markii noloshoodii kala maarmi weyday ayay ku heshiiyeen inay dagaalka aan macnaha lahayn ku bedeshaan wada noolaansho.

 

 

 

Leave a Reply