Gabayaga Iyo Bulshadii Carbeed!

0
538

Qabiilkii Quraysheed ee Maka degenaa Rasuulka Allah (scw) ka dhashay waxa ay si weyn ugu soo horjeedeen rumaynta Rasuulka Muxamed (scw) iyo raaciidda diinta Islaamka. Waxaana ay samayn jireen wado kasta oo ay ku horjoogsan karaan iftiinka nuurka iimaanka.

Madaxdii Quraysha ee gaalada ahayd ayaa Maalin u yeedhay gabayaagii caanka ahaa ee Xasaan Binu Sabit ka hor intii aanu Islaamnimada qaadan. Waxaana ay siiyeen lacag badan iyagoo kula heshiiyay inuu gabay xun u tiriyo Rasuulka Allah (scw). Gabayaaga Xasaan Binu Saabit (Rc) ayaa is taagay meel uu soo socday Rasuulka Allah (scw) si uu u arko oo markaana sifaadka iyo calaamadaha uga muuqda uu gabaygiisa ku qotomiyo.

Rasuulka Allah (scw) wuu soo maray laakiin waxa uu waayay meel uu uga gabayo iyo xumaan uga muuqata. Gabayaaga Xasaan Binu Saabit (Rc) ayaa qaaday lacagtii oo uu ku celiyay madaxdii Quraysha waxaana uu ku yidhi “ Waa taasi lacagtiini anigu baahi uma qabo” Arinka doonayseen inaan ka hadlana waxaa aan hadda qirayaa oo rumaynaya “ Allaha iyo Rasuulkiisa inay xaq yihiin”.

Madaxdii Qurayshi iyagoo yaaban ayay ku yidhaahdeen “ Oo maxaa dhacay? Wixii aanu ku dirayba maaha arinkan aad noo sheegaysaa? Waxaana uu ugu jawaabay gabayga caanka noqday ee ay ka mid ahaayeen beydadka : “ Markii aan arkay iftiinka Nuurkiisa, Waxaan gacantayda saaray indhahayga (Indho daraandar Nuurka badan awgeed)”  Anigoo uga baqanaya quruxda nuurkiisa ( inaan ku indha beelo), awood uma lahayn inaan eego”. Halkaasi ayay kaga quusteen Madaxdii Quraysheed in gabayaaga caanka ahi in uu u tiriyo Rasuulka Allah (scw) gabay. XAsaan (Rc) waa uu islaamay waxaana uu noqday gabayaagii Rasuulka Allah (scw) isagoo u tiriyay gabayo badan oo uu Rasuulka Allah (scw) ku amaanayo , Islaamkana ku difaacayo.

Leave a Reply