Waxa jira todoba dariiq oo kaa saacidi kara sarre u qaadista wax-soo-saarkaaga iyo badinta
natiijooyinkaaga shaqo—sida ugu dhakhso badan.
Sirta koowaad ee sarre u qaadista wax-soo-saarku, waa adiga oo si xawli ah u shaqeeya. Kordhi
socodka oo kobci natiijada. Hore u mari dareen degdegsiimo leh. Wax kasta oo lagaa rabo in
aad qabato, samee wakhtiga ku haboon. Tallaabo dhakhso badan hore u qaad. Dardarta badan iyo
firfircoonidu waa u muhiim guusha. Go’aanso goor hore, dhaqaaq goor hore, samee goor hore;
soona gebagabee hawsha goor hore, waxay doontaba ha ahaato’e.
Dadka guulaystay waa kuwo u dhakhsan og; kuna hamiyi og hawsha u taalla, laakiin ma
gudbayaasha waxa ku badan dib u dhigashada, waxa isku gaadha hawlaha, waxa ka luma
mudnaanta iyo firfircoonida; hawl kasta oo ay u dhaqaaqaanna waa ay ka caajisaan. Qofba qofka
uu uga dhakhsan og yahay hawsha xageeda, wuu ka nasiib badan yahay.
Sirta labaad ee sarre u qaadista wax-soo-saarku, waa adiga oo shaqeeya wakhti badan; una
shaqeeya si adag. Sumcaddaada hawlkarnimo waxa ay kaa dhigi doontaa, qof ka tilmaaman
dadka uu la shaqeeyo. Dadka intooda ugu badani waa kuwo cagajiidkooda shaqadu badan yahay
oo aan rabin in ay dedaal muujiyaan. Uma shaqeeyaan si adag, xitaa markay shaqada ku jiraan.
Laakiin marka aad hore u mariso sumcad hawlkarnimo, qof waliba wuu ogaan doonaa. Dedaal
badni la joogteeyey, waa furaha hawl-gudasho sarreysa iyo wax-soo-saar balaadhan.
Halkan waxa aynu kaga waramidoonaa, mid kamida xaaladaha ka soo horjeeda in xafiiska lagu
shaqeeyo. Taasi oo odhaneysa, “Ma awoodid dhammaystiridda shaqo kasta oo shaqada soo dhex
gasha.” Isla wakhtiga aad soo caga dhigato gudaha xafiiska, gebi ahaanba waxa ku nuuga
wicitaano telefoon, dad doonaya wakhtigaaga, kulamo, kadisooyin lama filaan iyo waxyaabo
faro badan oo kaa idleeya wakhtiga iyo tamarta kugu jirta. Maalinta dhammaadkeeda, waxa aad
dareentaa in maanta oo dhan aad ahayd mashquul laakiin aad hanatay natiijo aad u yar. Sida ay
maahmaah ingiriisi ahi tidhaahdo, “Mar kastoo aan ku mashquulo wax badan, waxa yaraata
natiijadayda.”
Si kastaba ha ahaato’e, saacad aan lahayn dhex-kakac oo xidhiidh ah, wakhtigaaga shaqada,
waxa aad hanan kartaa waxqabad u dhigma saddex saacadood oo ah wakhtiga caadiga ah ee
xafiiska.
Saacadaha caadiga ah ee shaqada (8 saacadood), waxa loogu talogalay dadka caadiga ah ee
rajaynaya mustaqbal iska caadi ah, laakiin looguma talogalin dadka meelmarka ah ee u darban
gaadhista meelo fog-fog oo noloshooda kamida. Dareen-aragaaga maskaxeed ee ku aadan
goorsheegtu kuuma sheego inta cimrigaagu le’eg yahay ee aad noolaan doonto, laakiin waa
halbeegga saxda ah ee muujiya siiyaalka hammi ee shaqadaadu inta uu dherer le’eg yahay,
marka loo eego sida aad ugu hanweyn tahay shaqadaada wakhti-xaadirka.
Mawqifkaaga ku aadan saacaddu waa in uu ahaado wax aan ka badneyn ilaalinta ahdaafta. Waxa
uu kuu sheegaa inta aad wakhti haysato, si aad u shaqayso ka hor inta aanad u gudbin
shaqadaada xigta. Saacaddu waxay ku xasuusisaa inta wakhti ku dhaaftay si aad u
dhammaystirto hawlaha kuugu muhiimsan. Waxaad u adeegsataa saacadda, in aad ku cabirto
natiijooyinkaaga iyo inta wakhti ku dhaaftay, si aad u gaadho natiijooyin intii hore ka badan.
Dadka siiyaalka hammigooda shaqo gaaban yahay—mawqifyo kala duwan ayey saacadda ka
leeyihiin. Waxay u arkaan saacadda, kaliya ku xisaabtamidda goorta shaqada la bilaabayo iyo
goorta laga baxayo. Marka loo eego iyaga, saacaddu waa cadawga qudha ee shaqada ku haya.
Waxay ka fikiraan kaliya inta saacadood ee ay shaqada ku jirayaan, laakiin kama fikiraan
saacadahaas ay shaqada ku jireen waxa u qabsoomay. Waxay doonaan in ay shaqeeyaan
daqiiqadaha ugu dambeeya ee suurtogalka ah; waxana shaqada ay uga rawaxaan sida ugu
dhakhsaha badan ee ay ugu suurto gasho.
Sirta saddexaad ee sarre u qaadista waxqabadku, waa adiga oo isku hawla waxyaabo farobadan
oo muhiim kuu ah. Maadaama aad haysato tiro cayiman oo saacado ah—maalin kasta, isku
taxaluji in aad daqiiqad kasta uga faa’iidaysato, qabashada waxyaabo badan oo adiga iyo
shirkadaadaba qiimo weyn idiin leh marka laga tago wax kasta oo kaleeto.
Si joogto ah u su’aal naftaada, “Haddii aan magaalada bil ka bixi lahaa; oo aan dhammaystiri
lahaa kaliya hal hawl ah ka hor inta aanan bixin, teebay hawshaasi noqon lahayd?”
Jawaabtu noocay doontaba ha noqoto’e, ku layli oo ku sandulee naftaada—qabashada hawshaas
ilaa inta ay ka soo gebageboobayso. Ku aadinta caqliga lagu aadiyo qabashada hawsha ugu
muhiimsani, waxa ay kugu beegi doontaa dariiqa saxda ah iyo waaqica dhabta ah. Waxa aad
arki adiga oo wakhti yar gudihii ku qabtay wax aad u badan. Hab aragga fekerkaagu waxa uu
ahaan doonaa mid xayaabo tiran oo saafi ka ah tashuush iyo madmadaw. Waxa aad carin
doontaa caqligaaga xeesha dheer; waxana aad hanan doontaa afkaaro aad u tiro badan, kuwaas
oo aad u adeegsan doonto in ay kaa saacidaan, dedajinta iyo dardargelinta afmeeritaanka—hadba
hawsha kuugu muhiimsan. Kaliya soonaha shaqada waxa aad ka libin gaadhi doontaa, marka
aad u shaqayso si xawli ah, si adag; una beegsato si xeel-dheer hawlaha kuwa ugu ahmiyadda
badan.
Waxa laga yaabaa in aad maqashay odhaah odhaneysa, “Haddii aad dooneyso in hawl la qabto, u
dhiib hawshaas ninka ama haweenayda ugu mashquulis badan.” Sababta oo ah qofka ugu
mashquulis badani wuu ka waxqabad badan yahay shaqaalaha iska caadiga ah ee aan rabin in uu
bixiyo dedaal badan oo ku mashquuliya hawsha laga rabo.
Sirta afraad ee sarre u qaadista waxqabad iyo wax-soo-saar, waa adiga oo ka midho dhaliya
waxyaabaha aad ku fiican tahay. Goorta aad isku hawsho waxyaabo aad ku fiican tahay,
qabashadooda oo kaliya kuma raaxaysanaysid, balse waxa aad u qaban doontaa sida ugu
dhakhsaha badan. Waxa yaraan doona qaladaadkaaga; waxana aad samayn doontaa ku deeqis
aad u qiimo badan.
Mid kamida hababka ugu fiican ee wakhtiga loo maamulo; loona beekhaamiyo ayaa ah—in
waxyaabaha ugu muhiimsan aad u qabato sida ugu fiican. Habkani waa sabab nasiib oo muhiim
ah. Sababtu waa mid iska fudud. Maadaama abaalmarinaha ugu waaweyni ay yihiin kuwo inta
badan ka yimaadda, awoodda aad u leedahay qabashada waxa ugu muhiimsan iyo
wacneysiintoodaba—wanaajinta qabashada hawlaha, waxa aad ku hanataa abaalmarino aad u
badan, caannimo iyo fursado badan oo ku farxad geliya. Ahaanshaha qof ku fiican hawlihiisa
muhiimka ahi, waxa ay kaa dhigtaa shakhsi aad uga nasiib badan shaqeeyaha iska caadiga ah.
Sirta shanaad ee sarre u qaadista wax-qabadka qofeed, waa adiga oo kooxeeya hawlahaaga.
Wadajir u qabo kooxo hawlo ah oo isku mid ah. Dib u wac wakhti iskumida dhammaan dadkii
ku soo wacay. Dhammaan wicitaanadaada telefoon ee muraadsi, samee wakhti iskumid ah.
Dhammaan kharashaadkaaga maciishadeed, qoondee wakhti iskumid ah. Dhammaan
waraaqahaaga iyo mashruucyadaadaba u qor, si isdabayaal ah oo isxig-xigta.
Mid kamida hababka ugu awoodda badan wakhti beekhaaminta—goob kasta oo ay shaqo ka
socoto—ayaa noqonaya waxa afka qalaad loogu yeedho, “The Learning Curve” oo macnaheedu
yahay, “Xariiqa xoodan ee laga ogaado qof baranaya xirfad cusub heerkiisa horusocodnimo”.
Aragtida daraaseynta xariiqada xoodani waxay tidhaahdaa, “Hawsha kuugu soo noqnoqod badan
qabashadu, waa ta aad u qaban doonto sida ugu fudud; uguna dhakhsaha badan, shaqo kasta oo
dhigeeda ahi marka ay ku soo marto.”
Haddii hawlo isku mida qabashadoodu ay kugu qaadaneyso toban daqiiqo, marka xigta waxa
laga yaabaa in ay kugu qaadato kaliya sagaal daqiiqo, marka sii xigta sideed daqiiqo; marka sii
xigta ee afraadna ayba kugu qaadato todoba daqiiqo oo kaliya ilaa uu wakhtigu aad u soo gaabto.
Ku celcelinta qabashada hawlo iskumid ahi, waa hab ka hortegaya in wakhti badani hawl kaaga
lumo.
Dad badan ayaan ogeyn xariiqa xoodan ee lagu ogaado qof heerkiisa horusocod. Kuwaas oo u
shaqeeya hab murugsan oo aan nidaamsaneyn. Waxay rabaan laba hawlood oo kala duwan in ay
midba wax ka qabtaan. Waxay qabanayaan hawshan wax kamida iyo hawshaas wax kamida.
Sida ay natiijadu tahayna; weligoodna ma noqdaan kuwo heerkooda hor-usocdnimo ka sheedaalo
halacasan kara, figta xariiqda xoodan (The Slop of The Learning Curve). Weligoodna ma
hantaan, heerar wax-soo-saar oo aad u sarreeya.
Sirta lixaad ee sarre u qaadista waxqabad iyo wax-soo-saar, waa adiga oo dadka ka shaqaysiiya.
Awoodaada u shaqaynta si wacan iyo qayb ka noqoshada shaqo wadareedka kooxdu, waa u
muhiim guushaada. Marka aad barato kaalmaysashada iyo ula shaqaynta si fiican kuwa kale, oo
ay la socoto in qof waliba uu shaqada ka qaato qaybta uu ku fiican yahay—waxa aad hanan
kartaa, natiijo aad la ashqaraari doonto.
Xiligii dagaalkii labaad ee dunida, dawladda Maraykanku waxay wacad ku martay in ay dhakhso
u samayneyso maraakiib xoreyneed oo xambaara waxyaabaha cul-culus ee kaargooda, kuwaas
oo ka gudba woqooyiga badda Atlantic, si ka dhakhso badan; kana awood badan doonyihii loo
yaqaanay U-boats ee Jarmalka oo iyagu aan la tan ahayn kuwa Maraykanka. Dalka Maraykanku
waxa uu u istaagay soo saarista ikhtiraacyo casriyeysan oo warshadeed, kuwaas oo noqday kuwo
ilaa maantadan weli dunida laga sii isticmaalo. Ugu horeyn, waxay hoos u dhimmeen wakhtigii
loo baahnaa in markab agabkii lagu sameeyo oo ahayd laba sanno; waxana ay ka dhigeen 42
maalmood oo kaliya. Intaa kaddib, isku xidh-xidhistiisana waxa ay ka dhigeen 4 maalmood oo
kaliya. Iskaashiga iyo wada shaqaynta kooxeed waa u muhiim soo saarista natiijo fiican oo tayo
leh iyo soo gaabinta wakhtiga, si shaqada loo fududeeyo; loona soo saarro waxyaabo aad u
badan.
Sirta todobaad ee sarre u qaadista waxqabad iyo wax-soo-saar, waa adiga oo fududeeya
hanaanka shaqadaada. Inta badan habkan waxa lagu magacaabaa, “Dib u habaynta haykalka
hawleed”.
Dib u habaynta iyo fudaydinta haykalka hawleed waxa uu maraa hanaan sahlan. Ugu horeyn,
adigu samee liistada tallaabo kasta oo daruuri u ah dhammaystiridda hawl cayiman—bilaw ilaa
dhammaad. Marka labaad, daraasee tallaabo kasta oo hubi, in raacisteedu tahay daruuri. Marka
saddexaad, adigu xadid oo jaangoo hawlaha fudaydin aqbalay ee dhakhso kuugu qabsoomi og.
Mar afraad, adigu raadi tallaabooyinka aad ku sii xidhiidhin karto hawlo kale, si aad mid iskaga
dhigto. Ugu dambayn, raadi adigu qaybaha aan daruuriga ahayn ee kamida hawsha ee aad
meesha ka saari lahayd. Adigu si joogto ah u raadi qaababka soo gaabinta wakhtiga, si loo
dhammaystiro hawl cayiman.
Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)