Wasiirka Qorshaynta Somaliland iyo Safiirka Denmark ee Somaliland oo Kormeeray Mashruuca Biyo Ballaadhinta Boorama

0
311

Boorama (Dawan) Wefti uu hoggaaminaayo wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane oo uu weheliyo safiirka dalka   Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa shalay soo kormeeray mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka magaaladda Boorama.

 

Waxa sidoo kale kormeerkaas qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socday hay’adda SPF, maamulka gobolka Awdal iyo maamulka shirkadda adeegga Biyaha Boorama ee Shaaba, waxaanay weftigaasi markii ay gaadheen goobta mashruuca biyo ballaadhinta Galbeedka Boorama  ay warbixino ka dhegaysteen mas’uuliyiinta gacanta ku haya mashruuca, iyaga oo weftigu sidoo kale soo arkay  halka uu marayo dhismaha Kaydka biyaha ee galbeedka magaaladda Boorama.

 

Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Timbaro), waxaanu tilmaamay in muddo dheer la naawilaayey in ay biyahaasi soo baxaan, isaga oo cadeeyey in ay hawsha biyo ballaadhintu waqtigan gebo gebo tahay, isla markaana ay bisha March soo gebo geboobi doonto, waxaanu u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay mashruucan biyo ballaadhinta galbeedka magaaladda Boorama.

 

Waxa isna halkaas ka hadlay Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Suun Andarsoon, waxaanu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Denmark, iyaga oo hadda eegaaya maalgelinta Biyaha magaaladda Boorama, waxaanu cadeeyey in isbedelka cimiladdu uu saameeyey caalamka oo dhan, gaar ahaana Somaliland, iyada oo hoosta laga xariiqaayo baahida biyood ee dadka.

 

Waxa isna goobta ka hadlay wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane,waxaanu cadeeyey in mashruucani noqon doono mid lagaga nasan doono mustaqbalka biyaha Boorama,marka loo eego qaabka loo qoday ceelasha, qaabka laysugu keenay biyaha,qaabka loo soo tuuraayo iyo qaabka ay u imanayaan taangiyada.

 

Leave a Reply