Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Kooxo Abaabulan oo Hurinaya Xaaladda Laascaanood

0
243

London (Dawan)- Daladda Ururrada Qurbe-joogta Reer Somaliland, ayaa Baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood. Daladda Qurbe-joogta Somaliland ee Magaceeda loo soo gaabiyo SSE iyo Ururrada Bulshada Somaliland ee hoos taga, ayaa sheegay in Rabshadaha amniga lidka ku ah ee ka socda Magaalada Laascaanood inay ku lug leeyihiin Kooxo ay ku sheegeen Argagixiso iyo Qurbe-joog ujeeddooyin kala duwan leh.

Daladda Ururrada Qurbe-joogta Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Qurbe-joog dano gaar ah leh oo kazoo kala jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay gacan weyn ku leeyihiin waxa Laascaanood ka socda isla-markaana ay Ururinayaan Lacago hub lagu iibiyo, si dhibaato uga dhacdo Sool, arrintaas awgeedna waxay Dawladaha Caalamka ee ay Qurbe-joogtu joogaan ka codsadeen inay hoos u eegaan oo ay wax ka qabtaan.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayay ku socodsiiyeen Ururrada Midowga Yurub, UK, Midowga Afrika, Kanada iyo Maraykanka.

 

War-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan:- “Waxaanu muujineynaa in dhaqaqaaqyada dhagaraysan, dilalka qorsheysan iyo kicinta rabshadaha wata ee dadka degaanka reer Laascaanood cidda waddaa ay kow ka yihiin argagixiso, sidoo kalena ay jiraan dad qurbajoog u badan oo leh ujeedooyin kala duwan, arrintana aad ugu hawlan isla mar ahaantaana sameynaya been abuur iyo wanjalaad (propaganda) una isticimaalaya lacag badan oo ay ururinayaan. Balse arintani waxay halis weyn ku tahay nolosha iyo ammaanka dadka degaanka, xasiloonida iyo ammaanka Somaliland, kan Geeska Afrika iyo guud ahaanba ammaanka iyo nabadgelyada adduunka.

2.Waxaa hubaal ah in Sool, Sanaag iyo Buuhoodle aaney keligood degin cidda rabashadahan waddaa ee magacaana adeegsanaysa.

Run ahaantii dadkaasi meel ay joogaan ba waxay wadaan xaalad abuur iyo wax sababi kara isku dhacyo ballaadhan oo ay aragaxisaduna ka faa’iideysaneyso. Gaar ahaan qurbaha waxay ka wadaan in ay marin habaabiyaan beesha caalamka.

  1. Waxaanu bayaamineynaa in aaney ka jirin Afrika iyo adduunka toona xuduud qabiil ama dawlad qabiil ku saleysan, kana jiri doonin. Sida xaqiiqdu tahay, Xuduudaha Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti waxay leeyihiin maqaam iyo sharci caalami ah, sababta oo ah dhammaan xuduudaha dalalka Afrikaanka ee xorta ah waxaa sameeyay quwadihii gumaystaha ee Yurub dhamaadkii qamigii 19-aad.

Cid kasta oo ka hor-timaadda sharcinimada xuduudaha Somaliland waxa ay farogelin iyo caqabad ku tahay xuduudaha iyo madax-banaanida dhammaan dawladaha Afrika ah ee xorta ah (54-ka dal ee kale ) ee soohdimahooduba ka soo jeedaan xadeyntii gumaystaha.

Haddaba, Somaliland 1991-kii waxay la soo noqotay xornimadeedii ay heshay June 26, 1960-kii ee ku salaysaneyd xuduudaheedii hore ee wakhtigii gumeystaha lngiriiska isla-markaana ay xorimada dawladnimo ku qaadatey Somaliland.

Sidaa darteedna Somaliland kuma xadgud beyso mabda’a ”uti possidetis’ iyo in la ilaaliyo xuduudaha hore ee Afrika ee gumeysiga iyo madaxbanaanida – taas oo ku xusan Sharciga Wadatashiga ee Midowga Afrika (Kalfadhiga Qaahira, UAR, laga bilaabo 17 ilaa 21 July 1964).

 

Ciddii kasta oo hab qabiil ku diidan xuduudaha Somaliland, waxay ka dhigan tahay in ay diideen xuduudaha u dhaxeeya Ethopia iyo Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya taas oo aan aheyn wax dhici kara

Gebagabadii:

A). Waxaanu dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka codsaneynaa uguna baaqaynaa in ay dhageysato waxna ka qabato tabashooyinka dadka degaanka Laascaanood, iyada oo marwalba muhiimada koowaad tahay amniga iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.

B). Waxaan u ka codsaneynaa uguna baaqeynaa dawladaha reer Yurub, UK, USA, Kanada iyo Midowga Afrika in ay dadka qurbajoogga ah ee waddamadooda lacagta ka ururinaya kuna iibinaya rasaas isla- markaana kicinta iyo abuubulka beeleysan iyo xaaladda amni-daro ka wada Laascaanood inay dhagaraha iyo denbiyadaa abaabulan ee waddamadooda laga wado si fiican u eegaan, waxna ka qabtaan dadkaas oo caddaymahooda la hayo.”

 

Leave a Reply