Waxaynu u Diyaar Garoobaynaa Doorashada Ururada iyo Xisbiyada.” Wasiirka Isgaadhsiinta

0
283

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil,ayaa ka hadlay tallaabada xigti diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ee qaran ahaan loo diyaar garoobayo isla markaana bulshada farriin dardaaran ah ugu diray in ay u diyaar garoobaan sidii  ay uga qayb qaadan lahaayeen tallaabada diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ee soo dhammaatay ku xigta oo ah doorashada ururada iyo xisbiyada oo dalka ka qabsoomi doonta.

Waxaanu tilmaamay in diiwaan gelinta cod-bixiyeyaashu dalka si wanaagsan uga qabsoontay isla markaana ay ahayd xuquuq muwaadinku leeyahay in uu is diiwaan geliyo waxna dooran karo lana dooran karo.

Waxaanu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay in bulshadu ay ku baraarugsanaato isla markaana ay u diyaar garawdo doorashada ururada siyaasadda iyo xisbiyada qaranka oo dhawaan dalka ka qabsoomi doonta oo ah hawl qaran oo muwaadinta xaq u siinaysa in uu ka qayb qaato isla markaana codkiisa kusoo saaro xisbiyo qaran.

Wasiirka Isgaadhsiinta oo ka qayb galay munaasibad lagu abaal marinayay shaqaalaha wasaaradda Hawlaha guud guriyaynta iyo dhulka,ayaa sidoo kale ku ammaanay shaqaalaha wasaaradda Hawlaha guud Guriyanta iyo dhulka oo uu qiray in ay dhanka adeegsiga Tiknoolajiyadda meel wacan ka marayaan oo ay xataa wasaaradda isgaadhsiinta kaga horreeyaan isla markaana ay noqdeen sannadkii dhammaaday shaqaalaha wasaaraddaas iyo wasaaradduba ta ugu wanaagsan dalka.

 

Wasiir Dr Cabdiwali oo ka hadlayay diiwaan gelintii Codbixiyeyaasha oo soo gaba gabawday iyo tallaabada xigta ee dalka ku soo fool leh,ayaa yidhi. “Waxaa inoo soo gaba gabawday oo dalka si nabad gelyo ah uga oo dhammaatay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee ay dadku ku qaadanayeen kaadhka codbixiyaha intii ALLE u qadarayna way qaadatay kaadhkii intaan qaadan na kuwa dambe ayay sugi doodaan,waana xaq muwaadinku leeyahay in uu qofka muwaadinka ahi is diiwaan geliyo,waxna dooran karo lana dooran karo,taasi imika waxay inoogu soo dhammaatay si nabad gelyo ah guud ahaan dalka oo dhan.marka laga reebo meel meel yar oo kooban”,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “mar haddii diiwaan gelintii codbixiyeyaashu inoo soo  dhammaatay waxaaynu gelaynaa oo dalka ku soo fll leh doorashadii ururada iyo asxaabta qaranka,waxaanan bulshada ku baraarujinayaa in ay taasna u diyaar garoobaan oo sababtii la isu diiwaan geliyay oo ah xaq muwaadinku leeyahay in ay soo saaraan xisbiyadii qaranku yeelan lahaa,markaa waxaan bulshada ku boorrinayaa in ay diyaar u ahaadaan doorashada ururada iyo xisbiyada oo dalka ka qabsoomi doonta.”

Ugu dambayn wasiir Dr Cabdi wali waxaa uu hambalyo u diray madaxda iyo shaqaale waynaha wasaaradda hawlaha guud guriyaynta oo noqday wasaaraddii iyo shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii 2022 isla markaana lagu abaalmariyay.

 

Leave a Reply