Wasaaradda Maaliyada oo Isla Qaadatay Qorshahooda Waxqabad ee sannadkan 2023

0
262

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa kuula dardaarmay masuuliyiinta waaxyaha Wasaarada inay wadajir uugu hawlgalaan hirgelinta qorsheyaashooda waxqabad ee sannadkan.

Dr Sacad oo shalay gudoomiyey kulan hawleed afar iyo tobanka Agaasime Waaxeed ee Wasaaradda Maaliyadu ku soo bandhigayeen qorshe hawleedkooda sannadkan 2023 ayaa uugu baaqay inay ku dedalaan hirgelinta qorshahooda shaqo.

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir-xigeenka Maaliyadda, Marwo Rooda Jaamac, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka}, Xisaabiyaha Guud iyo Agaasime-waaxeedyadda iyo ku-xigeenada, ayaa wax walba soo bandhigtay qorshahooda waxqabad ee sannadkan inay hirgeliyaan.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo kulanka furay ayaa u mahadceliyey saraakiisha kulanka ka soo qeybgalay, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda labanlaabaan, si ay uuga midho-dhaliyaan qorsheyaasha ay soo bandhigeen.

Dr Sacad ayaa uugu baaqay madaxda Wasaarada maaliyadda inay wadajir uuga midho-dhaliyaan soo saarista odoroska miisaaniyada qaranka ee 2023, waxaanu yidhi,

“Maanta waxaynu qorsheynaynaa waxqabadkeena sannadkan 2023,”ayuu yishi Dr Sacad

Wasiirka Maaliyadda ayaa kuula dardaarmay masuuliyiintii kulanka ka soo qeybgalay inay u dedaalaan hirgelinta qorsheyaashooda sannadkan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply