Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kulan Ku Saabsan Bilawga Qorshe magaaleedka (Mastr Plan) La Yeeshay Agaasime Waaxeedyadda

0
376

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL Mustafe Cali Bile, ayaa shir ku saabsan sidii deg-deg loogu bilaabi lahaa Hargeisa Master Plan la qaatay waaxda naqshadaynta magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud.

Shirkan waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamuud Suldaan Aadan, Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Eng. C/raxmaan Maxamed Aar.

Agasime ku xigeenka Waaxda Naqshadaynta Eng. Xuseen Maxamed C/laahi, iyo dhamaan ba hawl-wadeenadda gacanta ku haya qorshe magaaleedka caasimadda Hargeysa ‘Hargeisa Master Plan’.

Wasiir Mustafe Godane, ayaa ugu horayn waxa uu warbixin ka dhagaysay Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, isagoo uga warbixiyay halka ay marayso falan qeynta iyo kala hufida xogtii laga soo ururiyey caaasimadda Hargeisa.

Xogtaasi oo ay hadda gacanta ku hayso waaxda naqshadaynta magaalooyinka ee wasaaradda hawla guud ee Somaliland.

Geesta kale agaasimaha waaxda naqshadaynta Eng. C/raxaan Maxamed Aar, ayaa isna wasiirka waxa uu faahfaahin ka siiyay halka ay marinayaan injiineeradda wasaaradda hawlaha guud iyo naqshadaynta cusub ee ay wasaaaradu u samaysay caasimadda Hargaysa.

Gebagabedii wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeytna Mustafe Cali Bile, ayaa ku baraarujiyay waaxda naqshadaynta magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud iyo Hawl wadeenadeeda Injineeradda ah inay degdeg hawshaa u soo dhameeyaan.

Waxaanu ku adkeeyay in ay u diyaar garoobaan sidii loo fulin lahaa qorshe magaaleedka caasimadda Hargeysa ‘’Hargeisa Master Plan’’, isla markaana ay magaalada Hargeisa u noqon lahayd magaalo qorshaysan, oo qaabaysan.

Leave a Reply