Habeenkii Dhawaaqa Beenta Ah!

0
274

Musiibadii Hoolka Talyaaniga (oo mararka qaar loogu yaqaan xasuuqii 1913) waxa ay ahayd musiibo ka dhacday Arbacadii, Diseembar 24, 1913, magaalada Calumet, ee gobolka Michigan ee dalka Maraykanka.

Toddobaatan iyo saddex rag, dumar, iyo carruur ah, oo u badnaa shaqaalihii macdanta iyo qoysaskoodii, ayaa ku dhintay is jiidh habeenkaasi dhacay. markii uu qof  been ugu dhawaaqay “dab” xaflad Kirismas ah oo ay ka qayb galeen

Shirkada Calumet iyo Hecla Mining Company (“C&H”) waxa ay ahayd shirkadda kaliya ee ugu weyn ee ka shaqe  ysa macdanta naxaasta waddanka ee deegaanka Keweenaw Peninsula ee waqooyi-galbeed  ee gobolka Michigan.

Mid ka mid ah shaqo joojinta ugu dheerayd goobaha naxaasta waxa uu dhacay 1913, waxaana ku jiray dhammaan shaqaalaha macadan qodayaasha C&H. Xidhiidhka Ururka macadam qodayaasha waxa markii ugu horaysay laga aasaasay aaggaasi 1908, laakiin may lahayn xubno wax ku ool ah oo ku filan shaqo joojinta ilaa la gaadhay sanadkii 1913, wakhtigaasi oo ay ku dhawaaqeen shaqo joojin dhamaystiran.

Waagaasi, waxaa laga yaabaa inay jireen 15,000 oo shaqaale ah oo ka hawlgeliyay macdanta halka xidhiidhka ururada shaqaalaha macdan qodistu (WFM) ay sheegeen in 9,000 oo ka mid ah ay xubin ka yihiin xidhiidhka.

Xubnaha xidhiidhka shaqaalaha ayaa shirkooda ku codeeyey in laga codsado shirkadaha inay siiyaan aqoonsi ururka shaqaalaha iyo in loo sheqeeyaha la weydiisto inay shir la yeeshaan si loo hagaajiyo mushaharka, saacadaha shaqada , iyo xaaladaha shaqada ee degaamada naxaasta laga qodo ee Michigan.

Xubnaha xidhiidhka shaqaalaha waxa ay isku raaceen oo ugu codeyeen shirkaasi ” inay ku dhawaaqaan shaqo joojin” haddii maamulku ay diidaan in shir lala yeesho ama ay diidaan in ay tanaasul ka sameeyaan xaaladaha shaqada”.

Codbixinta ka dib, xidhiidhka WFM waxay waraaqo u direen maamulka shirkadaha macdanta iyagoo ka dalbanaya inay shir la qaataan; Laakiin maamulayasha shirkadu waa ay diideen codsigii xidhiidhka shaqaalaha.  Sidaa awgeed ururka “WFM” ayaa shaqo joojin ugu baaqay xubnaha shaqaalaha bishii July 23, 1913. …..

Leave a Reply