Ha u Malaynina in uu Belaayo Idiin Yahay, laakiin Wanaag Ayuu Idiin Yahay”

0
183

Naxariisaha Allah (Sw) waa ay soconayaan inaga oo aan dareemayn ama ka warhayn. Dhibaato kasta oo inagu dhacda, marka danbe ayaynu ogaana wanaageeda iyo in ay dan inoo ahayd.

Doonta suuradda Al-Kahfi, Allah (sw) inoogu sheegay haddii aan la daloolin oo laga dhigin mid ceeb leh, boqorkii doonayaha wanaagsan qaadan jiray ayaa khasab ku qaadan lahaa. Dadkii saboolka ah ee lahaana waxa burburi lahayd isha dhaqaale ee ay lahaayeen oo doonta ahayd.

Inankii yara haddii aan la dili lahayn waxa uu halaag ku ridi lahaa naftiisa iyo tan waalidiintiisa. Xataa derbigii haddaan la dayactirin oo la dib loo taagin, xoolihii agoontu waa ay lumi lahaayeen.

“ Ku kalsoonada Allah (sw) , wanaag kasta , wanaag kale ayuu keenaa”

Leave a Reply