Cilmi-baadhis lagu Samaynayo Saameynta Is-bedelka Cimiladu ku Yeelatay Xoolo Dhaqatada Somaliland

0
338

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay daahfuray barnaamij la xidhiidha Cilmi-baadhis lagu sameynayo, saameynta is-bedelka cimilada adduunku ku yeelatay xoolo dhaqatada Somaliland, mashruucaas oo ay kawada shaqeynayaan machadka SORADI, Wasaarada arrimaha dibeda ee Dalka Denmark, Jamacadaha Nairobi iyo Hargeysa.

Daraasadan oo socon doonta muyddo shan sanno ah ayaa lagu daahfuray magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaacil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Moogo, Madaxda Jaamacadaha dalka iyo mandaqada Geeska Africa iyo masuuliyiin ka kala socday Hayโ€™adaha Qaranamada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah.

Dr. Maaxmed Cismaan Fadal oo ka mid ah asaasayaasha Machadka SORADO ayaa si qoto-dheer uga xogwaramay cilmi-baadhistan iyo waxyaabaha looga danleeyahay, waxaanu yidhi โ€œMashruucan oo ciwaankiisi yahay saamaynta isbedelka cimilada Adduunka ee Xoolo dhaqatada Somaliland, waana mashruuc socon doono muddo shan sannadood ah, waxaanu ka mid yahay mashaariicda kuwa ugu muddada dheer ee la siisayay waddamada Geeska Africa, waxaana mashruucan maalgelisay wasaaradda arrimaha dibada ee Denmark.โ€

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ay magaalooyinka soo galeen wax ka yar boqol sanno ka hor, taasina ay keentay isbedelka cimilada adduun ka ee suu xumaanaysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œHayโ€™adda SORADI oo ku guuleysatay mashruucan inay hirgeliso iyo saaxiibaddeena adduunka ee maalgelinaya ee uu ugu horeeyo dalka Denmark iyo jaamacadaha kale ee ay la kaashanayaan daraasadan sidii loo samayn lahaa, waxaynu isku raacsanahay dhamaanteen haddaynu Soomaali nahay in magaaladaba wax boqol sanno ka yar aynu soo galnay, 100-kaa sanno ka hor dhamaanteen aynu ku noolayn baadiye, laakiin maanta isbedelka cimilada ee dhacay uu khalkhaliyay baadiyihii, inagoo reer magaal ahaanna aynaan fahamsanayn nimcadaa aynu haysano ee hadday hilib tahay iyo hadday caano tahayba aynu iska cunayno uun ee halkay ka yimaadeen? Mala daryeelay xoolihii? Yaa dhaqa? Halkay ku nool? Midna isma waydiino.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo hadalkliisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay โ€œMaanta waxa loo baahan yahay in la iswaydiiyo xoolahan daryeelkooda iyo meeshay ku noolaanayeen, waana masuuliyad wadareed in la wada ilaaliyo dawlad iyo shacabba sidii xoolaheena loo daryeeli lahaa, sidii loogu samayn lahaa dhulkay ku noolaan lahaayeen, waana in la raadiyaa aqoontii lagu dhiqi lahaa xoolaha, lagana doodaa caqabadaha dhibaatooyinka saamaynaya dhiqitaankooda.โ€

Wasiirka wasaaradda horumarinta deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyana goobtaasi hadal ka jeedisay ayaa tidhi โ€œHargeysa maalintii waxa lagu cunaa 1400 oo nee foo adhi ah, 100 neef oo geel ah iyo 30 neef oo loโ€™ ah, maanta haddaynu u soo noqonay in xoolo dhaqatadeenu tahay laf-dhabarta Somaliland waxaynu u baahanahay wax wax ku ool ah in laga qabto, cilmi-baadhistanina ay inoo noqon doonto fure aynu xilligan dhamaanteen isticmaalno.โ€

 

 

 

Leave a Reply