Golaha Guurtida oo Baaq Nabadeed ka soo saaray Dagaalka Laascaanood

0
342

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaaney ku baaqeen in dagaalka la joojiyo.

Geesta kale mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa ay tacsi u direen dadkii eheladoodu halkaasi ku geeriyoodeen.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha faray in aan laga doodayn xaalada taagan ee dalka, oo aan lagu dul doonayn dadka dagaalku ka dulsocdo, balse laga doodayo arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxa uu soo jeediyay in dagaalka magaalada Laascaanood ka socda xalintiisa loo daayo masuuliyiinta dawladda ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaanu yidhi.“Saaka waxa aynu galayna ajandaha, caafimaadka ayaynu ka bilaabaynaa, arrimaha taagan la gelimaayo, arrimaha taagan waataa Laascaanood, taa Laascaanoodna dagaal socda laguma dul dodo, arrinta Laascaanood waxa loo dhaafay raga goobta joogta,”

Xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif ayaa u duceeyay guud ahaan bulshaweynta gobolka Sool, isaga oo duco iyo dardaaran warbaahinta u mariyay dadka degaanka.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ILLAAHEY ka baryayaa in uu inaga joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, intii ku dhimatayna ALLE haw naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE haw boogo dhayo,”

Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh, ayaa tacsi u diray dadka ehelkoodii ku waayay dagaalka Laascaanood ka socda, waxaanu ALLE ka baryay in uu colaadaasi inaga bariyeelo.

Waxaanu yidhi.“Waxaan tacsi u diraya ehelada dadkii dadkoodu ku dhinteen dagaalka Laascaanood, ee labada dhinacba ahaa, ee ahaa kugu dhimay ee gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, ILLAAHEY-na waxa aanu uga baryaynaa in uu arrinkaas innaga qaboojiyo, nabadgelyana uu ku soo celiyo, dadkuna dib u helaan waxyaabihii aasaasiga ahaa nolosha, sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo waxyaabihii bulshadu u baahnaayeen”

Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle ayaa ILLAAHEY ka baryay in uu nabadgelyo ku soo dabaalo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaanu yidhi.“Inkasta oo hawl adagi jirto, ILLAAHEY ayaynu ka baryayna in uu hawshaasi innaga soo qaboojiyo, ALLE haynaga qaboojiyo,”

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), ayaa ALLE ka baryay in Garaadada gobolka Sool ILLAAHEY xaqa garansiiyo, kuwaas oo uu sheegay in ay bulshada dagaal ugu baaqayeen.

Waxaanu yidhi.“Dagaalka Laascaanood ka socda ILLAAHEY haynaga qaboojiyo, ILLAAHEY ha qaboojiyo, iyada oo waliba jilaal aakhirkii lagu jiro ayay colaadaasi bilaantay, Laacaanood saakana mar kale ayuu dagaal ka dhacay.

Nimanka Garaadada ee leh dagaalka halagalana ILLAAHEY xaqa hagaransiiyo, waliba Garaad ayaa aad ugu baaqayay ee ILLAAHEY hagaransiiyo”

 

Leave a Reply