Somaliland oo Warsaxaafadeedka soo Saartay Dagaalka Laascaanood

0
295

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo guud ahaan xaaladda uu ku sugan yahay gobolka Sool, sidoo kale waxa warmurtiyeedkaasi farriin loogu diray Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka.

Warsaxaafadeedkan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in shalay subax ay markii labaad Kooxahan Argagixisada ahi wareer ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ay taageerayaan Ciidamada la baxay Khaatumo iyo ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka.

“arsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaa Saaka (shalay) 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaas oo ah kooxihii shalay (dorraad) subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.

Kooxahan Argagixisada ah ee saaka (shalay) soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaas oo si toosa ugu jira dagaalka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.

Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka iyo Shacabka Somaliland ba la socodsiinaynaa in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.”

 

Leave a Reply