Maamulka Degmada Berbera oo Kaalmo kala duwan ugu deeqay Ciidanka Qaranka Somaliland

0
267

Berbera( Dawan) Maamulka degmada Berbera ayaa deeqo kala duwan ugu deeqay Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool oo halkaas kula dagalaamaya kooxo argogixisa.

“Waxa aanu u diraynaa taakuladii ugu horeeyay Ciidamada qaranka Somaliland oo ah Timir iyo Kaluun,waxaana aanu u sheegaynaa Ciidamada qaranka in shacabka Somaliland ay garabtaagan yihiin.waana kuwa ay ku seexdaan nafiyo maalba waan garabtaaganahay Ciidamada qaranka,waxaana aanu ka damqanaynaa dhibta la keenay Magaalada Laascaanood.waana dib u dhac kale oo la keenay,waxaana aanu rajaynaynaa in muddo yar Ciidamada qaranka ku soo afjaraan dagalkaas,”.ayuu yidhi Cabdishakuur Muxumed Xasan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi ayaa waxa uu uga mahadnaqay Maamulka Degmada Berbera taakulada ay ugu deeqeen .Ciidamada qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadcelinayaa maamulka degmada Berbera oo ugu deeqay taakulo Ciidamada qaranka ee jooga jiida hore,”.

 

 

Leave a Reply