Maamulka Gobolka Awdal oo Xoolo Nool Ku Caawiyay Ciidamada Qaranka JSL

0
273

Boorama (Dawan): Maamulka gobolka Awdal, iyo isu-duweyaasha wasaarradaha, iyo laamaha dawlada ee gobolka Awdal ayaa xoolo nool ku caawiyay ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Sidoo kale waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Xoghayaha gobolka Awdal iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta degmooyinka hoos yimaadda gobolka Awdal.

Kadib kulan ay shalay ku yeesheen xarunta maamulka gobolka Awdal, ayay masuuliyiintaasi ku shaaciyeen in ay ciidamadda qaranka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay ugu deeqeen 200 oo nee foo xoolo nool ah.

Xoghayaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed (Duu-duu), markii kulankaasi soo dhamaaday warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in kaalmadaasi ay ciidanka qaranka ugu deeqeen ay tahay mid horu-dhac ah.

Wuxuu sheegay in ay shir deg-deg ah ka yeesheen xaaladda ciidamadda qaranka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool, isla markaana ay go’aamiyeen in ay xoolahaasi ugu deeqaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu ku yaboohnay 200 oo neef, oo hor u dhac ah, oo kaalmo deg-dega ah, oo aanu garab is-taaganyno ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Kulan aanu yeelanay kadib, waxaanu go’aansanay in aanu kaalmo deg-deg ah gaadhsiino ciidanka qaranka JSL ee ku sugan gobolka Sool, oo arrin qaran ku jira, culaysyo fara badani na ay haystaan”.

Mustafe Cabdi Axmed (Duu-duu), Xoghayaha gobolka Awdal waxa uu xusay in kaalmada ay ku taageerayaan ciidanka qaranka Somaliland in ay sii wadayaan. “Intani waa horu-dhac, balse kaalmadu way is-daba socon doontaa, waanan kordhin doonaa” ayuu yidhi xoghayaha gobolka Awdal.

 

Leave a Reply