Waa in Shuruud La’aan lagu joojiyo Xabada” Madaxdhaqameedka JSL

0
331

Hargeysa (Dawan)- Salaadiinta Dalka ayaa uugu baaqay bulshada in ciddii aan nabad wax kaga qaban karin colaada Laascaanood, ay waxyeelada ka daayaan, mar ay qodobo ka soo saareen shalay.

Shir Salaadiinta beelaha Somaliland ku yeesheen Hargeysa ayaa kulan saacado qaatay ka dib ay ku soo saareen qodobo kala duwan oo lagu joojinayo colaada ka taagan gobolka Sool.

Qodobadii ay salaadiintu soo saareen ayaa u dhignaa sidan;

  1. Waxay tacsi u direen dhamaan dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood, intii ku dhimatayna Ilaahay ha u naxariisto, intii ka baro-kacdayna ilaahay nabad ugu soo celiyo deegaamadooda
  2. Waxay ugu baaqeen labada dhinac ee dagaalku ku dhexmarayo magaalada Laascaanod inay xabada iyo dagaalka u joojiyaan si shuruud la’aan ah.
  3. Waxay ugu baaqeen labada dhinac inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, khilaafka taagana wada hadal lagu dhameeyo.
  4. Waxay cadeeyeen in salaadiinta Somaliland diyaar u yihiin nabad ka raadinta colaada Laascaanood, meel kastoo ay la gasho.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayey afka salaadiinta ayaa ku baaqay in la maqlo loona dhego-nuglaado baaqa salaadiinta.

Waxuu uuga digay dadka ku mashquulsan buunbuuninta arrimaha ka socda Laascaanod, ee baraha bulshada iyo tv-yada u soo fadhiisanaya, inay ka waantoobaan, oo walaalnimo iyo heshiisiin ka shaqeynteeda u soo jeestaan.

“arrinta ciddii wax ka qaban karta haka qabato, ciddii kalena haka deyso buunbuuninta.

Baaqa salaadiinta ayaa ku soo beegmaya xilli hore xukuumada Somaliland uugu baaqday inay diyaar u tahay nabad ku dhamaynta xaalada Laascaanood.

 

Leave a Reply