Xukuumadda JSL oo ka Hadashay Maxabiis lagu Qabtay Dagaalkii Shalay ee lagu Soo Qaaday Ciidamadda Qaranka

0
215

Xukuumadda oo  sii daysay maxaabiis dhaawac ah lagu wareejiyey eheladooda

 

“Ciidamadda Qaranka waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso iyo ciidanka PSF ee Puntland” Wasiirka Wafraafinta

 

Hargeysa (Dawan) Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in ay gacan ku dhigtay maxaabiis ay ku tilmaantay in ay yihiin argagixiso, ciidanka gaarka ah ee Puntland ee PSF loo yaqaan iyo maleeshiyaad deegaanada gobolka Sool u dhashay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray.

Wasiir Koore waxaa uu intaa ku daray in ay sii daayeen dad u dhashay deegaanka oo dhaawac ahaa, kuwaasoo lagu wareejiyey eheladooda.

Waxaanu yidhi.”Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya kooxaha argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday.

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay maanta”

 

 

 

Leave a Reply