Waxa inagu soo Raray Dagaalka Nimanka Isku Sheegaya Garaadada” Qaar ka mid ah Waxgaradka Laascaanood

0
183

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida Odayaasha Beesha Ugaadhyahan ee dagan Gobalka Sool ayaa sheegay in ay ka mid yihiin , kana tirsan yihiin Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay ay eedaymo u jeediyeen Garaadadii shirka ku qabsaday Magaada Laascaanood.

Maxamuud Cali Xasan oo ka mida odayaasha Beesha Ugaadh yahan ayaa waxa uu sheegay in Garaadada ay ka dambeeyeen dagaalka ka dhacay Magaalada Laascaanood.

“Waxa inagu soo raray dagaalka iyo kadeedka nimanka isku sheegaya Garaadada, mid kaliya oo Maanta (shalay) halkan ka joogaa ma jiro, markay dabka ina galiyeen ayay u kaceen meeshay doonayeen.

Mid ay dhaleen kuma dhiman dagalka. maatideenii waataas Somaliland ku quudinayso Magaalada Fadhigaab, waxa ay ina galiyeen wax aynaan hore u arag. hadaanu nahay Beesha Ugaadhyahan aynu isku dhiibno Ciidamada Somaliland,” ayuu yidhi Maxamuud Cali.

Sidoo kale mid ka mid ah dadkii la qalday ayaa waxa uu sheegay in uu dib ugu soo noqday Somaliland. Iska markaana uu dib uga soo baxay dagaalkii uu markii hore galay, waxaana uu yidhi “Aniga oo ahaa guutadda 7aad ee Ciidamada qaranka Somaliland waxa na qalday Garaadada qorigiina waan tuuray saakana waxa aan ku soo biiray Somaliland”.

 

 

 

 

Leave a Reply