Dr. Edna Aadan oo Fariin u Dirtay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshadda Gobolka Sool

0
214

Hargaysa (Dawan): Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland u qaabilsan arrimaha ictiraaf raadinta Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa fariin u dirtay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool.

Dr. edna, ayaa ugu baaqday bulshadda ku nool gobolka Sool in ay ilaashadaan nabad-geliyadoodda, iyo horumarka ay hiigsanayeen mudadda 20-ka sanadood ka badan, isla markaana ay nabad-geliyadoodda ilaashadaan.

Waxaanay si gaar ah fariinta ugu dirtay madax dhaqameed, waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo aqoon yahanka u dhashay gobolka Sool, ee ku kala nool dacaladda dunidda, in ay iska dhaafaan hadaladda lagu kala dhantaalayo nabad-geliyadda, iyo horumarka ee uu cadowgu soo maleegayo, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii ay horumar u hiigsan lahaayeen.

Dr. Edna, oo warbaahinta kula hadashay magaaladda Hargaysa fariinteedu ku boorisay bulshadda reer Sool in ay ka shaqeeyaan nabad-geliyadoodda iyo horumarkoodda. Iyadoo na xustay in aad uga xun tahay dagaaladii mlaamihii ina dhaafay ka dhacay magaaladda Laascaanood.

“Waxaan aad uga tiiraan yaysanahay dhibaatooyinka maalmihii ina dhaafay ka dhacay magaaladda Laascaanood. Dhibaatooyinkaasi oo ahaa kuwo aad u fool-xun, oo sababay dhimasho, dhaawac, iyo barokac. Gobolka Sool, waa gobol ka tirsan Somaliland, waa gobol aad loo jecel yahay” ayay tidhi Edna Aadan.

Geesta kale Dr. edna Aadan Ismaaciil, waxay ka sheekaysay taariikhda kaalintii ay dhismaha iyo gooni-isku-taagga Somaliland ka qaateen siyaasiyiinta, iyo aqoon yahanka ka soo jeedda gobolka Sool, isla markaana ay taladda qayb weyn ka qaateen.

Waxaanay tidhi, “Waxaan maanta aa duga naxay, in garaad Jaamac, oo qayb weyn ka soo qaatay xornimadii Somaliland, in Wiilkii uu dhalay garaad Jaamac, uu maanta ku talinayo wax ha la bur-buriyo, oo horumarkii la gaadhay, ha la baabiiyo, oo ha la is dillo, ha la is naco, ha la is dhaawaco, oo dhib ha la isku gaysto. Garraadku, waa ka wanaaga ka taliya, waa ka horumarka ka taliya. Laakiin, nasiib darro haddii garaadku uu Jeeb ku dhaco, oo uu talladda u dhiibo Qorri, Gumucii, tallo wanaagsan lagama gaadho”.

“Waxaan leeyahay dadka Sool degan, ee aan jecelahay, ee aan u damqanayo, ee wanaagoodda doonayo, nabadda qaata, nabadda ayay wax inoogu dhalayaane. Aynu nabadda wadda qaadano, oo aynu taladeena Miiska dushiisa kaga wada hadalno.

Dadka ha lagu soo celiyo magaaladda, carruurta Iskuuladooddii ha loo furro, cusbitaaladu dadka Buka ha daaweeyaan, Umuluhu meel ay ku Dhallaan ha helaan. Waddooyinka ha la furro, baayac-mushtarkii ha dhaqaaqo, taasay wax inoogu hagaagayaan” ayay tidhi Edna Aadan Ismaaciil.

 

Leave a Reply