Taliyaha Ciidanka Dabdemiska oo kulan la qaatay Ururka Dhakhaatiirta Gargaarka Degdega ah

0
191

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo kulan la qaatay Ururka Dhakhaatiirta Gargaarka Degdega ee Somaliland.( Somaliland Emergency Medicine Association).

Kulan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay ciidanka Dabdemiska iyo ururku iskaga kaashan lahaayeen tababarada ku saabsan caafimaadka gaar ahaan tababarada gurmadka degdega ah.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska ayaa soo dhaweeyay waxaanu ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan dhakhaatiirtu, waxaanuu taliyuhu sheegay in wax badan iska kaashan doonaan.

Dhankooda dhakhaatiirtaas ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntaa loo sameeyay, waxaanay sheegeen in aqoontooda xaga caafimaadka uga faa’iideyn doonaan ciidanka, waxaanay ballan qaadeen inay diyaar u yihiin in si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada Dabdemiska JSL.

Dhakhaatiirtan ayaa kala ahaa :

  1. Dr Mohamed Faysal Cali Geedi
  2. Dr Nuux Ismaaciil Bootaan
  3. Dr Idiris Cali Xasan
  4. Dr Cabdiqaadir Cismaan

Ugu dambayn dhakhaatiirta ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee taliska sida Isgaadhsiinta, gaadidka iyo xafiisyada.

 

 

Leave a Reply