Ha Noqon Sidii Columbus!

0
945

Qof waliba wuxuu doonayaa in uu farxaan ahaado. Laakiin waxa aan soo ogaaday, ku dhawaad qof kasta oo aan faraxsanayn haddii aad sii gudo gasho in uu kuu qiran doono in aanu lahayn aragti mustaqbal ama ahdaaf dhab ah. Dadka aan faraxsaneyni inta badan nolosha kama laha ujeedooyin cad cad iyo macne dhab ah. Waa sidii sahamiyihii Columbus oo kale, kaasi oo u socdaalay dunida cusub “Nova Scottia” (Maraykanka) ee aan garaneynin meeshii uu u socdaalayey. Markii uu meeshaas tegay, ma uu garaneyn meesha uu joogay. Markii uu dib u soo laabtayna, waxba kamuu sheegi karayn meeshii uu tegay. Tani waa sida dad badan noloshoodu ay ka dhigan tahay.

Si aad noloshaada majaraha ugu qabato, bar bilawga guusha iyo farxadu waa adiga. Arrinta la yaabka leh ee ahdaaf samaysashada la goonida ahi waa iyaga oo kaa caawiya, in aad fiiro u yeelato jihada isbedelka u baahan ee noloshaada. Ahdaaftu waxa ay ku siiyaan dareen ah sida in aad fadhido kursigii dareewalka gaadhiga; taasi oo weecweecinta shaagaguna ay gacantaada ku jirto. Ahdaaftu waxa ay kaa dhigaan mid dareemaya in noloshiisu ay u socoto jihadii uu rabay.

Markasta oo si aad ah aad u dareen san tahay in aad hayso maamulka qayb kasta oo noloshaada kamida, waxa aad gudahaaga ka dareentaa farxad iyo niyadsami. Markasta oo aad noqoto qof samaha saadsha oo faraxsan, waa marka aad hawl geliso dhammaan xeerarka maskaxeed iyo qawaaniinta noloshaada; waana marka aad ugu nasiib badan tahay.

Sabab kale oo nasiib waa awoodeynta ujeedada. Sida uu yidhi Benjamin Disraeli, “ Sirta guushu waa daacad u noqoshada ka gun gaadhida hadafka.”

Dhammaan dadka guuleystay waa kuwo aad ugu jihaysan ujeedooyinkooda. Tusaale ahaan hadaad u yara fiirsato laba qof oo isku awood ah, midka aad u raba ujeedkiisa in uu ka gun gaadhaa—isku awoodba ha ahaadaane—waa midka mar walba guuleysan doona. Si sax ah u go’aami dhab ahaantii waxa aad ka damacsan tahay qayb kasta oo noloshaada ka mid ahba; kadibna awoodda isugu gee sidii aad uga gun gaadhi lahayd. Go’aanso in aad negi ku dul ahaato oo aanad noqon (hasha labada geel jecel ileen nimaan sal lahayn sadkii laalane). Go’aanso ilaa aad ka midho dhaliso in aanad weligaa isdhiibeyn oo dejiso qorshe kuu gaar ah.

Dejinta qorshahaaga gaarka ah ee istaraatejiyadeed, gudahaaga ka soo bilaw; kagana shaqee dibedda. Intaa kaddib waa in aad agaasinto qayb kasta oo nolol maalmeedkaaga iyo dhaqdhaqaaqyadaada ka mid ah. Sidaasi darteed, habdhaqanadaada iyo ficiladaadu waxa ay ka turjumi doonaan waaqica gudahaaga ka jira.

Dejinta ahdaafta, naftaada ku bilaw. Waa maxay akhlaaqiyaadkaagu? Maxaad rumeysan tahay? Maxaa muhiim ah ee aad metashaa, maxaa se aan muhiim ahayn ee aanad matalin?

Ma rumeysan tahay akhlaaqiyaadka daacadnimada, qalbi furnaanta, deeqsinimada, dul-lahaanta, daryeelidda, kalgacal badnida, dad cafinta iyo run sheegidda? Ma rumeysan tahay akhlaaqiyaadka aaminnimada, dad la dhaqanka, hal-abuurnimada, xoriyadda iyo aftahanimada?

Awooda isweydiinta iyo ka jawaabidda su’aalahan ee naftaadu waa bar bilawga guul weyn oo shakhsi.  Jawaabahaasi waa furaha qufulada ka furaya awoodahaaga jeebaysan. Gudahaaga marka aad ka garato dhab ahaan cidda aad tahay, kaliya adiga ayaa go’aansan kara waxa aad dibedda uga baahan tahay.

Waxaad u baahan tahay saddex ilaa shan sifo oo akhlaaqeed oo noloshaada lafdhabar u noqda; dadkuna kaaga daydo si aad ugu guuleysato nolol degan iyo dabeecad wanaagsan. Intaas marka aad joogteyso ayaad qaar kalena ku sii dari kartaa. Laakiin dhawrkaas sifo waxay muhim u yihiin qorshahaaga istaraatejiga ah. Kolka aad xulatay sifooyinkaaga akhlaaqeed, intaa kadib waa in aad u agaasinto sida ay u kala mudan yihiin. Middee ayaa adiga aad kuula sii muhiimsan? Sifadee ayaa soo labayneysa? Sifadee ayaa se soo saddexayneysa? i.w.m.

Sidee ayaad u sheegi kartaa qiyamkaaga akhlaaqeed? Taasi way fududay. Inta badan qiyamkaaga akhlaaqeed waxaad ku muujin kartaa ficiladaada oo laga dheehan karaa. Waa in aad naftaada iyo dadka kaleba u cadayso waxa dhab ahaan aad rumeysan tahay, adiga oo fiirinaya waxa aad samayneyso, gaar ahaan marka aad xaalad adag ku jirto. Markasta oo lagugu qasbo kala doorashada laba ficil, inta badan waxa aad door bidi doontaa ficilka la jaanqaadi karaya qiyamkaaga akhlaaqeed wakhti xaadirkaas.

Masalan Haddii uu qof yidhaahdo, “Tixgelinta qoyskaygu waa mudnaantayda koowaad,” taas macnaheedu waxa uu yahay, markii laba arrimood la kala dooran siiyey mid ayuu u go’ay.

Laakiin xusuusnow, qiyamku ma aha waxa aad tidhaahdo ama aad rajayso ama aad ku taamto, ama aad qorshayso si aad u samayso ama in aad noqoto qof kale. Kaliya qiyamku waa ficil. Ficiladaada ayaa sheegaya qofka dhab ahaan aad tahay. Xaqiiqadani waxa ay ku caddahay xidhiidhada qof ahaaneed ee nolosha ganacsiga iyo siyaasaddaba.

Kolka aad meel saarto qiyamkaaga akhlaaqeed, kaddib waa in aad u timaado sidii aad u samaysan lahayd yoolkaaga qof ahaaneed. Yoolkaagu waa humaagga noloshaada dhabta ah ee wakhtiga soo socda. Waa in aad dejiso yoolka naftaada, qoyskaaga, shaqadaada ama ganacsigaaga, adiga oo sawiranaya in aanay jirin wax caqabad ah oo kaa hor taagan xaqiijinta yoolashaas.

Hoggaamiyeyaashu waa kuwo ka duwan dadka caadiga ah, waayo iyagu waxa ay leeyihiin yool. Rag iyo dumarba, cid kasta oo meel u socotaa waa in ay humaag dhaba ka haystaan sida ay u ekaan doonto himiladu, kolka ay meeshaas gaadhaan. Horumarinta yool xiise badan oo noloshaada ku saabsani waa midka ugu muhiimsan talaabooyinka aad qaadayso, marka aad yagleelayso nolol adiga kuu gaar ah, waayo hoggaamiyeyaashu waxa ay leeyihiin yool.

Mid kamida sifooyinka lagu yaqaano hoggaamiye kasta, —diineed, siyaasadeed, ganacsi, mulatari, iwm—waa kuwo leh yool aad u cajiib badan oo ay u dejiyeen naftooda, qoysaskooda iyo dhammaan xarumahooda shaqo. Naftooda waxay u ogolaadaan in ay mushaaxdo oo ay riyooto. Waxa ay curiyaan masawir dhab ah oo ku qotoma xaaladda taagan. George Bernard Shaw,  qoraagii caanka ahaa ee ingiriis, ayaa kol waxa uu qoray, “Dadka oo dhammi waxay eegaan aduunka; waxana ay is weydiiyaan “Sababma ayey sidaas u noqotay?” Laakiin anigu aduunka ayaan eegaa; waxana aan is weydiiyaa “Sababma ayey sidaas u noqon weyday?”

Waxa jira kumanaan rag iyo dumarba leh oo ku nool Ameerika, kuwaas oo meel sarre gaadhay; kana soo bilaabay meel hoose. In badan oo dadkaas kamid ahi waxay kasoo dalan dooleen dalal shisheeye, iyaga oo faro madhan. Laakiin halka shay ee ay la yimaadeen wuxuu ahaa, riyooyin ayey lahaayeen. Welibana waxa ay rumeysnaayeen in ay lahaayeen awood ay ku gaadhaan riyooyinkaas. Sababta oo ah waxa ay si buuxda ugu qanacsanayeen naftooda; waxana ka go’neyd in ay sameeyaan wax kasta oo macquul ah si ay u xaqiijiyaan riyooyinkaas. Waxa ay dhammaantood ka sinaayeen dabaqidda xeerarka nolosha—sida xeerka beerista iyo goosashada, sababta iyo natiijada iwm. Sanado yar gudahood, cid kasta oo agtooda joogtay waxa ay ku sheekaysan jireen wax ku saabsan sida ay u nasiib badnaadeen kolkii ay quusan waayeen; waxa kaliya ee ay iswaafajiyeenna waa hiraalka iyo hilinka loo marayo.

Shayga cajiibka ah ee ku saabsan in aad leedahay hawl qorshaysan iyo hiraal qorani, waxa ay dardar gelisaa oo ay sababtaa in dhammaan xeerarka maskaxdu ay u adeegaan noloshaada. Inta badan adigu waxaad isku daydaa in aad noqoto nooca qofka aad niyada ka sawiratay; waxana aad ku dhiirataa alkumashada mustaqbalkii mudanka ahaa ee aad hore ugu riyootay. Waxaadna qaadaa masuuliyadda qaabaynta dabcigaaga iyo masiirkaaga gaarka ah.

Mar walba maanka ku hay in aad tahay waxa aad ka fekerto inta ugu badan wakhtigaaga. Kolka aad si dhab ah uga fekerto masiirkaaga dhabta ah, si dhakhso badan waxa aad u soo jiidan doontaa wax kasta oo aad u baahan tahay si ay riyadaadu u rumowdo, laakiin ku dedaal in mar walba rabitaankaagu ahaado mid dhamacda ka kulul; dhagaxana ka adag.

Hore waad u marin kartaa iskudaygaaga ku aadan lib weyn haleeliddeeda, adiga oo kordhinaya baaxadda rabitaankaaga ee xaqiijinta hadafkaaga. Caqabadda keliya ee guul kaa horjoogsan kartaa waa qafal xumaanta qaabka aad wax u rabto ee wanaaji qaabka doonistaada. Rabitaankaagu waxa uu jaangooyaa masiirkaaga. Awoodda ujeedada waxa tamar gelisa dhamacda rabitaanka. Marka aad leedahay rabitaan sida dabka holcaya oo aan damayn si aad hadaf u xaqiijiso, isaga ayaa kuu riixi doona dhanka hadafku kaa jiro. Rabitaanku waa shidaalka ku jira kulayliyaha rajada. Rabitaanku waa awoodda ku duugan shakhsiyadaada. Waa sababta koowaad ee dadka qaarkii ay u xaqiijiyaan waxyaabo waaweyn, maxaa yeelay waa kuwo ku dhiiran waxa ay dhab u rabaan. Waxa ay noqdaan kuwo aan la caabiyi Karin; lana hor joogsan Karin.

Rabitaanku waxa uu ka yimaadaa gudahaaga meesha ugu fog. Waxa uu ka yimaadaa bu’da shakhsiyadaada iyo akhlaaqahaaga dhabta ah. Dariiqadda qudha ee aad ku yeelan karayso rabitaan holcaya oo baaxad leh oo ku aadan hadaf cayimani, waa hadafkaas oo noqda mid la jaan qaadaya akhlaaqahaaga dhabta ah iyo himiladaada ku aadan dhab ahaan qofka aad dooneyso in aad noqoto wakhti ka mida noloshaada; sidaasi darteedna ay tahay in aad samaysato liiska riyooyinka gaarka kuu ah.

Halkan waxa taalla tajribo cajiib ah oo adiga laguugu talo galay. Soo qaado warqad iyo qalin oo bilaw in aad diyaariso liiska riyooyinkaaga shakhsi. U ogolaw maskaxdaadu in ay xor u mushaaxdo dunideeda. Humaagi (sawiro) in aanay jirin wax caqabad ah oo ku hor taagani. Humaagi (sawiro) in aad haysato dhammaan wakhtigii, lacagtii, ashyaa’dii, cabqariyadii, tacliintii, waayo-aragnimdii iyo dhammaan lambaradii dunida oo dhan. Humaagi (sawiro) in aad samaysay, in aad ahayd, ama in aad haysatay wax kasta oo noloshaada ku xeeran. Dhakhso u qor wax kasta oo aad noloshaada u rabi lahayd haddii aanay jirin wax caqabad ah oo ku hortaagani.

Iska hubi in aad go’aansato waxa aad dhab ahaan u rabto ka hor inta aanad go’aansan ku dhaqaaqidda waxa macquulka ah. Ha ku dhicin dabinka xadidaya naftaada ee ah in aad ka fikirto dhammaan asbaabaha ku lidka ah macquulnimada riyooyinkaaga, ka hor inta aanad bilaabin qoraalkaaga. Meel ku sunto odhaahda macquulka ah; naftaadana u ogolaw in ay ku riyooto, intaa kadib dejiso liiska ahdaaftaada ugu muhiimsan.

Kolka aad soo gebagebayso diyaarinta liiska riyooyinkaaga, soo qaado warqad kale oo xageeda sarre ku qor taariikhda maanta. Intaa kadib diyaari tobanka hadaf ee aad rabto in aad xaqiijiso 12-ka bilood ee soo socda. Kani waa mid kamida habab la barto habka ugu fiican ee loo tajribeeyo xaqiijinta ahdaafta. Waa hab fudud oo muhiim ah; waxa qudha ee uu u baahan yahayna waa warqad, qalin iyo dhawr daqiiqo oo noloshaada kamida. Boqolkiiba 97% dadka qaan gaadhka ahi malaha ahdaaf qoran. Marka aad dejisato liistada tobanka hadaf ee aad rabto in aad xaqiijiso 12-ka bilood ee soo socda, waxa aad ku biirtay boqolkiiba 3-da % soo hadhay ee dadka qaan gaadhka ah oo ah dadka maanta ugu horumarsan. Qaadista tallaabada ugu fudud ee ah ahdaaftaada in aad warqad ku qortaa, waxa ay kugu dartaa dadka ugu saamaynta badan nolosha.

Waxa xiise kuugu filan, haddii wixii lagaa doonayey uu ahaa in aad qorto liisto toban hadaf ka kooban, kadibna warqadaas aad ku hubsato meel aanad kaga daba tegin ilaa mudo sanad ah; guud ahaan waxa isbedali lahayd noloshaada oo dhan. Dhammaadka labada bilood ee ugu dambeeya sanadka, marka aad dib u furto warqada, waxa aad kuu yaab gelin lahayd in aad hesho 8 kamida 10-kii hadaf oo la xaqiijiyey weliba sida ugu cajiibsan. Waxa aad baran doontaa dhacdooyin layaab leh oo ku saabsan lama filaan iyo niyad-wanaagsan oo ka dambaysa gaadhista mid kasta oo hadafyadaada kamida. Waxa aad arki lahayd mareeg cajiib ah oo ka kooban lamafilaano hoosta ka xidhiidhsan, kuwaas oo hore aanad u saadaalin karteen ama u qorsheyn karteen. Laakiin sadar-qoraalka gundhiga ahi waa sidan soo socota: “waxa aad xaqiijisay 8 kamdia ahdaaftaadii 10-ka ahayd, weliba waxa aad u xaqiijisay siyaabo aanad hadda humaagin Karin (sawiran Karin). Si aad naftaada ugu laylido habkan, gebi ahaan waxa qudha ee lagaa rabaa waa xaashad, qalin iyo toban daqiiqo. Intaas oo kali ah noloshaada ma u huri kartaa?.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply