Sirdoon Caalamiya oo Xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ku Lug Leedahay Dagaalka ka socda Laascanood

0
277

Nairobi (Dawan)- Sirdoonka caalamka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood, isla markaana ay markhaati u noqotay hadalkii Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi 30-kii January ku sheegay in mushkilada Laascaanood ay ka dambayso argaxisada caalamiga ah.

Mr. Rashiid oo ah khabiir sare oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Khaliijka ayaa sheegay hadalkii Somaliland imika aanu ahayn sheegasho keliya, laakiin hay’adaha sirdoonka ee Geeska Afrika ka hawlgala ay imika u arkaan macluumaad la aamini karo.

Khabiirkan oo ka hawlgala Hay’adda Sahan oo qaabilsan cilmi-baadhista arrimaha amniga, ciidamada, siyaasada juquraafiga, iyo isku-dhacyada, fadhigeeduna yahay dalka Kenya ayaa sheegay xog-ururin sirdoon dahsoon oo lagu helay hab elektaroonik ah ayaa muujinaya xidhiidh ka dhexeeya xarunta dhexe ee Al Shabaab ee Jubada Hoose iyo kooxda Al Shabaab ee ka dagaalamaya Laascaanood.

“Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay u direen 150 ka mid ah dagaalyahanadooda Dhulbahante si ay ugu biiraan cutubyada SSC ee lagu soo ururiyay Buuhoodle. 500 oo ka tirsan ciidamada SSC-Al Shabaab ayaa loo diray safka hore.” ayuu sheegay.

Qoraalo uu Khabiir Rashiid ku baahiyey bartiisa Twitter Arbacadii & Khamiistii 8-9 February 2023 ayuu ku sheegay in magacyada shaqsiyaadka Shabaab ee xogaha sirdoon lagu ogaaday ka mid yihiin Cabdi Madoobe, Mowliid Leylooni, Faarax Maxamuud Jaamac oo la rumeysan yahay inay yihiin isku-duwayaasha qorshahooda.

“Al-Shabaab ayaa hadda ku lug leh rabshadaha Laascaanood. Taasi hadda ma aha sheegasho ay Somaliland leedahay. Hay’adaha sirdoonka ee Geeska ka hawlgala waxay hadda u arkaan macluumaadka la aamini karo.” Ayuu yidhi Mr. Rashiid

Khabiirkan ayaa amaanay shaqada Sirdoonka Somaliland, isla markaana ku tilmaamay kuwa ugu wanaagsan Geeska.

“Sirdoonka Somaliland waa kuwa uugu wanaagsan Geeska Afrika. Dhawr sano ka hor sirdoonka Somaliland ayaa horseeday hawlgal caalami ah oo lagu fashiliyey weeraro waaweyn.

“8-dii February 2023 qoraal ka soo baxay Al Shabaab ayaa looga hadlay in loo baahan yahay in lagu biiro jihaadka “Sool, Sanaag iyo Cayn”. Dawladda Somaliland ku tilmaantay ‘Murtadiin’.

Mr Rashiid ayaa sheegay “inuu arkay xog sirdoon faahfaahsan oo ku saabsan shaqaaqada iyo dagaalka Laascaanood.

“Marka ay Somaliland tidhaahdo waxaan la dagaalamaynaa argagixisada caalamiga ah, waxay leedahay sabab wanaagsan oo ay ku odhan karto.

Caalamku waa inuu si fiican u dhegeysto waxa Somaliland sheegayso.”

Xogahan sirdoon ayaa markhaati cad u noqonaya hadalkii Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi 30 January ummada iyo caalamka uugu sheegay in mushkilada Laascaanood ay ka dambayso argagxisada caalamiga ah.

 

 

Leave a Reply