Guushu Iyo Daacdnimada

0
345

Selena Avalos oo degan gobolka Califronia ee Maraykanka ayaa huteelada Domino’s Pizza ka dalbatay inay u keenaan cunto digaag ah. Laakiin markii rashinkaasi oo safaari xidhan ahaa loo keenay ee ay furtay si u cunto waxay kala kulntay arrin yaab leh.

Safaariga xidhan waxa ku jiray lacag dhan $ 5000 doller. Selena ayaa telefoon kula hadashay huteelada Domino’s Pizza  iyadoo u sheegtay inay ka dalbatay digaag laakiin loo soo xidhay safaari ay ku jriraan 5 kun oo doller. Maamulaha huteelka ayaa codsaday in lacagataas loo celiyo isla markaana loo geyo Diigaga ay dalbatay waxayna ahayd khalad dhacay.

Laakiin huteelka ayaa abaal marin u siiyaay in gabadha Selena Avalos ay muddo sanad ah huteelada Domino’s Pizza lacag la’aan wax kaga cuni karto. Waxa kale oo fasax todobaad ah siiyay xaruntii ay ka shaqaynaysa oo iyana u riyaaqday daacadnimada Selena.

Leave a Reply