Islaamka Iyo Nadaafadda Bulshada

0
326

Rasuulka Allah (scw) ayaa cadeeyay in abaal marin weyni ku jiro ilaalinta iyo daryeelka deegaanka iyo bulshada waxaana uu xadiiskan ku yidhi: “ Waxa la itusay camalka umadayda kuwa wanaagsan iyo kuwa xunba, waxaan ku arkay acmaasha wanaagsan ee umadaydu ay qabato wixii dhibaato iyo waxyeelo ah oo dariiqa laga qaado, waxaan ku arkay acmaasha xunxun ee ummaddu ay qabato candhuufta oo masaajidka lagu tufo oo aan la aasin”.

Waxa kale oo Rasuulku (scw) uu amray dadka ilaalinta nadaafadda guryaha sida uu cadaynayo xadiiskan “ Ilaahay wuu wanaagsan yahay wanaagana wuu jecel yahay, waana nadiif, nadaafaddana wuu jecl yahay, nadiifiya daaradihiina iyo  guriyihiina, hana isu eekaysiinina Yuhuud” Tarmadi.

 

 

Leave a Reply