Kaymuhu waxa ay naga caawiyaan in cimiladeenu xasiloonaato, waxa ay nuugaan Kaarboonka (Carbon dioxide), waxayna sii daayaan ogsajiinta (Oxygen), waxay nidaamiyaan biyaha, waxa ay hagaajiyaan Tayadda Carrada, waxa ay hoy siiyaan kala badh nooleyaasha Arlada.
In ka badan hal Bilyan oo qof ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin guddaha iyo hareeraha Kaymaha, kuwaas oo ka hela tamar, cunto, daawo iyo qalabka dhismaha.
Hadda na sidaas oo ay tahay waxa sannadadii ugu danbeeyey soo kordhayey dhibaatooyinka soo waajahay kaymaha adduunka, waxa la sheegayaa in baahida caalamiga ah ee loo qabo Al-waaxda ay saddex laab korodhi doonto marka la gaadho sannadka 2030-ka.
Taas oo cadaynaysa saamaynta bini-aadamku ku leeyahay dabar-go’a Kaymaha, oo ku dhawaad 40% ay meesha ka baxeen. Bur-burinta iyo xasuuqa ku dhaca Kaymaha caalamku wuxuu si toosa u taaban doonaa nolosha aadamaha (livelihood), isagoo keenaya in 44-64 Milyan qof ay ku shaqo beelaan, halka 410 Milyan oo qof oo ahaa dhaladka deegaanada (indigenous people) iyo wadamadoodaba (gaar ahaan wadamada dhaqaalahoodu liito/soo korayo) uu saameynayo. Wadamadan ayaa ah kuwo si toos ah dadkoodu ugu tiirsan tahay dhul kaymeedka.
Somaliland haddii aynu eegno waxa sannad ba ka ka danbeeya soo kordhaya xaaladaha darran ee uu waajahayo dhul-kaymeedkiisu. Axmed Ibraahim Warsame, waa Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland, waxaanu ku sheegay waraysi uu dhawaan siiyay barnaamijka deegaanka ee warbaahinta Qaranka JSL in dhul-kaymeedka Somaliland uu ku socdo dabar-go ba’an.
Waxaanu yidhi, “Taarkiih ahaan marka dib loo raaco dhulkeena intiisa badani, waxa uu ahaan jiray dhul-kaymeed. Waxaynu qani ku ahayn dhirta noocyadeed kala duwan, laakiin marka la eego kontonkii sannadood ee ugu danbeeyey dhirteenu waxay u dabar-go’day si qayral-caadi ah, oo runtii ay u yaraatay, markaad Map-ka eegto meel toban sanno ka hor kayn ahayd ayaa noqonayso tobanka xigga teel-teel”.
Axmed Ibraahim Warsame, oo wax laga waydiiyay waxa sababta u ah dhul-kaymeedka Somaliland in uu sidan isku bedelo sannad ba ka danbeeya, waxa uu ku jawaabay “Arrintaas waxyaabo badan ayaa sabab u ah, marka koowaad inagu (Somaliland) dalalka roobka faraha badan hela ma nihin, qoddobka labaad waxa weeye inagu waxa aynu u isticmaalnaa dhirteenii si aan hab maamul-nayn, oo aan qiyaas lahayn.
Soddonkii sannadood ee ugu danbeeyey marka aad eegto dhul aan magaalooyin ahayn ayaa magaaloobay, magaalo meel kasta laga abuuraana waxa ay sii dabar-goynaysaa wixii geed sare iyo mid hoose ahaa ee dhulka ku yaalay”.
“Gaadiidkii ayaa dhulkii ku faro batay, Daadadkii ayaan biyihii dhulkii ku hakanayn, oo aanu liqayn mar haddii dhirtii yaraatay, maxaa yeelay? Waxaa badanaya Daadkii rog-manayey, ilayn dhirta ayaa celisa biyaha’e” ayuu yidhi Axmed Ibraahim Warsame.
Geesta kale gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay goboladsa ugu deegaanta qurxoon Somaliland. Waxaana sannadkii ina dhaafay oo kaliya tiraba dhawr jeer dab qabsaday dhul kaymeedka gobolkaasi ku yaalla.
Dabkaasi ayaana waxyeelo ba’an gaadhsiiyey dhirtii xero u dhaladka ahayd ee deegaankaas ku taalay waxaana gubashada kaymahaasi loo aanaynaa marka laga tago xaaladaha dabiiciga ah in ay gacan weyn ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqyadda dadku ay ku hayaan.
Sida uu sharaxayo Axmed Ibraahim Cawaale, oo ka mid ah dadka aqoonta u leh dhinaca arrimaha deegaanka ee reer Somaliland. Isagoo arrimahaa ka waramayay na waxa uu yidhi, “Guud ahaan sababaha keena dabka noocaas oo kale ah ee kaymalayda ka holca, waxa aynu u qaybin karnaa laba , waa mid si dabiici ah u yimaada iyo mid uu ka dambeeyo aadamuhu, markaa haddii aynu soo qaadano kaas dabiiciga ah.
Waxa aynu soo qaadan karnaa xiliga xagaaga oo kale waxa dhacda in laamaha dhirtu is xoqaan, waa sidii dabka lagu dhalin-jiray barigii hore, markaa dab ayaa ka dhalanaya, haddii dhulkuna uu nabaad badan leeyahay waxa laga yaabaa in uu huro, waxa kale oo aynu odhan karnaa xaalad dabiici ah oo keeni karta dabka noocaas ah ee kaymalayda ka holca waa danabka”.
Dhinaca kale Axmed, waxa uu ka hadlay saamaynta ay bini-aadamku ku leeyiin gubashada dhul-kaymeedka. “Haddii aynu u nimaadno xaga kale ee aadamaha waa sababaha ugu weyn ee keena in ay dhirtu gubato, tusaale ahaan waxa aynu soo qaadan karnaa meel ayaa loo banaynayaa laga dhigo dhul la beerto, markaa dhirtii ayaa la gubayaa, ka dibna dabkii ayaa la xakamayn kari waayayaa oo sidaas ku fidaya.
Waxa kale oo sababa dhulkaas aynu ka hadlayno ee daalo oo kale oo shinada iyo malabku aad ugu badan yahay, in shiniyeysatadu ay adeegsadaan dab, halkii ay adeegsan lahaayeen qiiq, taas oo sababta in uu dabku fido, dhuxusha ayaa iyaduna ka mid ah, mararka qaarna waxa dhici karta in si ula kac ah, xil-kasnimo daro darted ay u sameeyaan”.
Ugu dambayn maadama oo gubashada dhulkaymeedku ay sannadadan dambe noqdeen wax la filan karo, sidee ayey tahay in loo wajaho si aanay u reebin saamayn daran. “Waxa aan ku soo ururinayaa maxaa talaabo ah ee la qaadi karaa si loo yareeyo gubashooyinka noocan oo kale ah, ta ugu horaysaa waxa weeye wacyi-galin xoogani in ay jirto, wacyi-galintaas oo ku jihaysan dadka deegaanadaas ku nool oo lagu baraarujiyo ahmiyadda ay dhirtu leedahay iyo sidii looga hortagi lahaa dhibtaas oo kale marka ay dhacdo”.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Sidaas si leeg waxa aynu ogayn in mashaqadii daallo ka dhacday in dad badan ama dhalinyaro faro badan oo diranayaal ah in ay Ceeri-gaabo oo kale ka tageen, markaa waa in dhalinyarada lagu tababaro hababka wanaagsan ee dababka loo damin karo.
Iyagoo nafahoodana ilaalinaya, ta saddexaad ee aan ku soo gabagabaynayaana waa in diyaar-garow jiro, si gaar ah haayaddaha dawladeed ee ay khusayso