Ciidanka Qaranka oo Shaaciyay Kaalinta Al-shabaab iyo Puntland Ku Leeyihiin Dagaalka Laascaanood

0
496

“Ciidanka Somaliland way u tudhayaan Laascanood” Sarreeyo Guuto (Cabdi Dheere)

 

“Ciidanka Qaranku diyaar buu u yahay gacan siinta waxgaradka samaha doonaya.”

 

 

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere) ayaa sheegay in ciidanka qaranku leeyahay awood buuxda oo uu isku difaaco, hase yeeshee weli ay ku jiraan tudhaale.

Taliyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa oo uu kaga hadlay xaaladda Laascaanood, dagaalka kooxaha argagxisada ah iyo dhallinyaro caadifadaysan oo u dhashay deegaankaasi ay ku soo qaadeen ciidanka Qaranka. Waxa kaloo uu intaas ku daray in maleeshiyaadka Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka ay kooxahaasi ka wadaan Laascaanood.

Waxuu sheegay in ciidanka Puntland qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanod, daaha dabadiisana ay ka wadaan, isla markaana ay ciidamada Qaranka Somaliland ogsoon yihiin in ciidan iyo taakulayn ka joogaan gobolka Sool.

“Ciidanka Qaranku waa ciidan dhisan oo u diyaarsan dagaal caadi ah iyo mid aan caadi ahayn inuu qaado, laakiin weli kama dhammaan tudhaalihii uu dadkiisa ugu tudhayo iyo magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Taliye Cabdi Dheere, wuxuuna intaas ku daray; “Waxgaradka, waayeelka iyo odayaasha magaalada Laascaanood waxa muuqata inaanay gacanta waxba ugu jirin, oo dhallinyaradii iyo dadkii ay xukumayeen Al shabaab kala wareegtay.”

Waxa xaqiiq ah oo aanu haynaa in Al-shabaab dumiso guryaha magaalada Laascaanood, kuna eedeyso ciidanka qaranka, iyadoo ujeedadu tahay inaan nabadgelyo Laascaanod ka hirgelin. Arrinta waxaan u xaqiijinaynaa dadka waxgaradka ah ee reer Laascaanod inay ogsoonaadaan in cidda guryahooda duminaysa, isla markaana aan ogolayn in dagaalku soo afjarmo, oo aan nabadgelyadooda doonayn ay tahay Al Shabaab, oo ka faa’iideysanaysa jaaniska ay ka heleen shaqaaqada ka taagan Laascaanod.

Ciidanka qaranku isaga oo marwalba fulinaya awaamiirtii ka soo baxday xukuumada jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhawaaqista xabad joojinta, hase yeeshee waxay ka fuli weyday oo ilaa imika weerar ku haya ciidanka qaranka maleeshiyaadka ka dagaalamaya Laascaanood, oo Al-shabaab hagayso.

Taliyaha hawlgelinta Ciidanka qaranka ayaa bulshada Somaliland u sheegay in ciidanka qaranku leeyahay awood buuxda oo uu isku difaaco, ama ku dagaalamo, hase yeeshee weli waxuu ku jiraa tudhaale. Waxaanu yidhi “Dadka jecel ciidankooda ee maalin walba la daba taagan dhiirigelinta waxaan u caddeynaynaa in ciidanka qaranku fuliyo awaamiirta ka soo baxda xukuumada Somaliland, waxaanu u taagan yahay difaaca qaranka Somaliland.

Ciidanka Qaranku isagoo gudanaya Waajibaadkiisa qaran, isla markaana qaadanaya awaamiirta xukuumada xabad joojintii xukuumada ayuu ku joogaa, kagana gaabsaday inuu qaado wax weerar ah, dhamaan ciidankuna ku sugan yihiin fadhiisimahooda ilaa maalintii xabad joojinta lagu dhawaaqay, uguna diyaar yahay in cid kastoo soo weerarta iskaga difaaco.”

“Ciidanka Qaranku wuxuu hadda iyo mustaqbalka diyaar u yahay in cid kasta oo soo weerarta inuu iska difaaco, cashar adagna u dhigo, isagoo gacan dagaal ku gelaya, gacanta kalena nabadda ku sida, bulshaduna sidaa ha u ogaadaan,”ayuu yidhi Taliyaha Hawl-gelinta ciidanka Qaranku. Waxaanu intaas ku ladhay “Ciidanka Qaranku diyaar buu u yahay gacan siinta waxgaradka samaha iy nabadgelyada doonaya.”

Taliyaha oo ka hadlayay arrimaha Puntland iyo kaalinteeda dagaalka wuxuu yidhi “Maamulka Puntland arrinka ay ka waddo gobolka Sool si dhow ayaan ula soconaa, laakiin ciidanka qaranku wuxuu u sheegayaa nabad ayey jaar ku ahayn, wax dagaal ah oo u dhexeeya muddooyinkii u dambeeyey ma jirin, laakiin waxa muuqata inaad dagaalka dabada ka riixaysaan, laakiin haddii aad ka joogsan weydaan hore labada ciidan dagaalo way dhex mareen, sidii Tukaraq, maantana inuu dalkiisa difaaco waa u diyaar hadh iyo habeen.”

 

 

 

Leave a Reply