Guddoomiyaha Maroodi-jeex oo Beeniyay in Dhibaato loo Gaystay Dad Ka Soo Jeeda Gobalka Sool

0
330

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Cilmi Axmed ayaa beeniyay in dad ka soo jeeda Gobalka Sool waxyeelo loogu gaystay Gobalka Maroodijeex, ama caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Maxamed Cilmi Axmed oo shalay warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in dadka ka soo jeeda Gobalka Sool ay yihiin dad Somaliland u dhashay, Isla markaana aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in dhibaato loo gaystay.

Maxamed Cilmi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqaaqada ka jirta Gobalka Sool oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland waa la buunbuuniyay, waxaan leeyahay dadka ku nool gobalka Maroodijeex ee ka soo jeeda Gobalka Sool wax dhibaato ah oo loo gaystay ma jirto. Waa dad Somaliland u dhashay, beenta social Medi-yaha yaanay dadjy dheg u dhigin, qof dhib haysato oo wax la yeelayna majirto”.

Sidoo kale Maxamed Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in bulshada Gobalka Maroodijeex ay ogyihiin in qaranka la wada leeyahay waxaanu yidhi “Bulshada Gobalka Maroodijeex waa bulsho og in qaranka la wada leeyahay iyo waxa laysku yahay. dadka beenta ka soo akhrinaya dibada ha joojiyaan. waxaana aan leeyahay Garaadada Gobalka Sool nabed ayaa naas la nuugo leh sidii nabed u dhalan la hayd ha ka shaqeeyaan”.

 

Leave a Reply