Shanta Su’aalood Ee Uu Qof Ku Horumaro!

0
2631

Waxa jira shan su’aalood oo ay tahay mar walba in aad is weydiiso, kuwaas oo kaa caawin doona indho-ku-haynta yoolka iyo hanashada natiijooyin wanaagsan. Agaasimidda hawshaada aad ku agaasinto jawaabaha shantan su’aalood, waxay ku dhaxalsiin doontaa horumar aad u balaadhan marka loo eego qof kasta oo kale oo kula heer ah hawl ahaan iyo aqoon ahaanba. Waa in aad is weydiiso oo ka jawaab celiso; kuna foognaato maalin kasta shantaas su’aalood.

Su’aasha koowaad waxay tahay: “Waa maxay hawlahayga ugu qiimaha badani?” Waa maxay waxyaabaha aad ka shaqayso ee shirkadaada, shaqadaada iyo noloshaadaba ku deeqaya qiimaha ugu sarreeya? Haddii aad ku qanci waydo saxnimada jawaabta kuu soo baxda, isku day in aad mar kale ka fikirto. Waxay kula noqotoba qor fikrada kula saxsan ee maskaxdaada ku soo dhacda ugu horeyn. Kala tasho maamulahaaga iyo dadka kula shaqeeya. Kala dood wiilashaada. Waxa kugu waajib ah in aad noqoto qof sida ugu waadixsan u arki karaya hawlihiisa ugu qiimaha badan haddii aad dooneyso in aad gaadho gebagebada ugu fiican ee shaqadaada. Ma beegsan kartid hadaf kaa daahan. Ma horumarin kartid shaqadaada haddii aanad hagaag u hubin waxa mudan in la qabto si laguugu kordhiyo mushaharka; laguuna dalacsiiyo.

Su’aasha labaad ee dejinta mudnaanuhu waxay tahay: “Waa maxay natiijooyinka biyo kama dhibcaanka ahi?”

Waa maxay natiijooyinka gaarka ah ee gaadhistoodu kugu tahay waajib si aad shaqadaada ugu gudato qaabka ugu wanaagsan ee macquulka ah? Natiijooyinka biyo kama dhibcaanka ahi waa kuwo gebi ahaanba masuuliyadda gaadhistoodu ay guudka kuu saaran tahay. Adiga ayaa shukaanta u haya. Waa natiijooyin cayiman, la qiyaasi karo; wakhtiguna cadaadinayo. Haddii aad qaban weydo, cid kale oo qabaneysaa ma jirto. Wax kastoo ay yihiin natiijooyinkaaga biyo kama dhibcaanka ahi, waa in aad si cad u qeexdo; una fiiro yeelato in aad sida ugu fiican u qabato mid kastoo ka mida.

Su’aasha saddexaad ee dejinta mudnaanuhu waxay tahay: “Sababtee ayaad ugu jirtaa liistada shaqaalaha?”

Sababtee ayey kuugu mushahar siiyaan shaqada aad u qabato? Haddii aad isku dayeysey in aad cadayn u hesho sababta mushaharka laguu siiyo, sidee ayaad u sharaxi lahayd natiijooyinka aad hanato, lacagta lagu siiyo bedalkeeda? Liistayso hawl kasta oo aad qabato inta aad shaqadaada ku gudo jirto. Waa kuwee hawlaha liistadaas ku jira ee muhiim u noqonaya shaqo dhammaystiran oo ka turjunta masuuliyadaha laguu igmaday?

Sababta aad ugu jirto liiska shaqaalaha haddii aanad si dhaba u hubin, liis hawleedkaaga qaado oo ula tag maamulahaaga oo weydii isaga ama iyada in uu kuu dejiyo hawlaha mudanka ah ee lagaa rabo in aad ahmiyadda ugu badan siiso. Iska hubi in aad si dhaba u garaneyso wixii laguu soo shaqaalaysiiyey ka midho-dhalintiisa, intaa kadib ku dedaal in aad wakhti badan siiso waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo in aad ka gun gaadho.

Su’aasha afraad ee dejinta mudnaanuhu waxay tahay: “Waa tee hawsha adiga mooyee cid kale aanay qaban karin, ee marka aad si wacan u qabato abuuraysa horumar dhab ah oo la taaban karo?”

Waa in aad maalin walba is weydiiso; ugana jawaabto su’aashan si joogto ah. Waxa mar walba jiri doonta jawaab su’aashan la xidhiidha. Waxa jiri doona mar walba, kaliya hal shay oo arrintaas aad u qaban karto, hadii si wacan oo dhakhso leh aad u qabato waxa abuurmi doona horumar dhab ah oo la taaban karo oo ay shirkadaadu ku tallaabsan doonto. Haddii aad qaban weydo, cid kale ma qaban doonto. Laakiin haddii aad qabato, oo aad weliba si wacan u qabato, caadiyan tani waa ahmiyadaada ugu sarreysa, waa gebagebadaada biyo kama dhibcaanka ah ee ugu muhiimsan; waana sababta qudha ee aad uga mid noqotay liistada shaqaalaha.

Su’aasha ugu dambaysaa waxa ay tahay: “Waa maxay adeegsiga ugu qiimaha badan ee wakhtigayga hadda taagani?”

Awoodaada isweydiinta iyo ka jawaabista su’aashan iyo ku ijbaaridda aad naftaada ku sandulayso qabashada hal shay oo qiimo badani, waa furaha waxqabadka ugu sarreeya iyo wax-soo-saarka ugu badan ee uu qof ku tallaabsado. Awooddaada fiiro u yeelasho ee ka gun gaadhista hal hawl oo qiimo badani, waa halbeega dhabta ah ee xakamaynta nafta iyo hoggaaminteeda.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply