Dagaalku wax ba ma taro reer Laascaanood ha ku baraarugaan in ay yihiin dad reer Somaliland ah…”

0
178

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa bulshadda gobolka Sool ugu baaqday in ay colaadda joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabad-geliyadda iyo horumarkoodda.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in ay dadka reer Sool ay yihiin dad reer Somaliland ah, isla markaana ay ku baraarug sanaadaan in aanu dagaalku wax ba tarin dantooduna ay ku jirto in ay colaadda joojiyaan.

Wasiirka ayaa tilmaantay in dadka reer Somaliland ay colaadda joojiyaan, taasoo dhibaato soo gaadhsiisay dumarkii, iyo caruurtii oo ku barokacay. “Duco ayaynu u baahan nahay, in ILLAAHAY SWT inaga soo qaboojiyo hawshaa maanta Laascaanood ka taagan. Dawladda Somaliland dedaalkeedu ma yarayn. Dadka Laascaanood ku nooli waa reer Somaliland waana dadkeenii.

Waxaanan leenahay reer Laascaanood, ha ku baraarug sa naadaan, in ay yihiin dad reer Somaliland ah. Waayo? Dagaalku wax ba ma taro. Wiil baa ku dhintee, Wiil ku ma dhasho. Dumarka iyo carruurtu na way ku barokacayaan”ayay tidhi wasiir Shukri.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay tilmaantay in Somaliland danteedu ay ku jirto xuduudkeedda oo ay sugto, isla markaana xadkeedda la yaqaano ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya.

Wasiirku waxay sidan ka sheegtay hadal ay ka jeedisay xidhitaanka tababar ay wasaaradda Deegaanku Hargaysa ku qabatay.

“Qof wal ba meel bay dantiisu ku jirtaa. Somaliland danteedu waxa weeye, xuduudkeedda way taqaanaa, wax lagu murmayo na maaha. 1960-kii ayaynu isku nimid walaalaheen (Soomaaliya), waanan isku ducaynaynaa.

Reeruhu na way wada degan yihiin oo kala maarmi maayaan. Waa Abti, Inaabti, Eedo, Addeer, iyo Habar-wadaag. Sidaas ayaa la isugu wada xidhan yahay, waa kugu dhimay, oo kaa dhimay. Waana in ay reer Sool, taa ogaadaan” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale tababarka ay xidhitaankiisa wasiirku hadalka ka jeedisay ayaa muddo laba maalmood ah ka socday Hargaysa, kaasoo ay qabatay wasaaradeedda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Kulankaasi ayaa ku saabsanaa la dagaalanka Sharci darada ah ee duurjoogta iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed C/laahi Ducaale.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay saraakiil ka socday haayadda CCF oo ay hogaaminaysay agaasimaha haayadda CCF Laurie Marker, iyo madax ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka, xildhibaanno, iyo masuuliyiin kale.

Kulankan labada maalmood socday ayaa laga wadahadlayey sidii bulshada loo fahansiin lahaa muhiimada uu leeyahay kheyraadka dabiiciga oo ay duur joogtu ka mid tahay, isla markaana khayraadkaasi loo wada ilaashan lahaa.

Leave a Reply