WEEDHA WARGEYSKA Furdaaminta Fidmada Laascaanood Way Dhaaftay Farruuryaha

0
205

Laascaanood xaaladdeeda Isimada iyo Odayaasha ka taliyey waxay ugu talogaleen inay noqoto meel aan dawlad lahayn oo aan maamul ka jirin ama ay dulsaar ku noqota nidaamka faashilka ah ee ka dhisan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Garoowe sida ka muuqata qorshaheeda waxay doonayaan inay Magaaladaasi iyo deegaamada hoos yimaadaa markay af-weynta ugu dhacaan dalluumaha loo qodayo ay xoog ama xeelad ku hoos-geeyaan Maamulkooda.

Marka laga hadlayo Shirqoolka Magalaadaasi loogu malleegayo dawlad la’aantu, waa arrin ka soo horjeeda Diinteena Suuban ee Islaamka, sharciga iyo xeerarka caalamiga ah. sidoo kalena maaha talo uu aqbali karo amase uu qaadan karo caqli caafimaad qabaa, lagana sugayey dad hormuud u ah umadda gobolka Sool iyo Buuhoodle ku dhaqan, hase yeeshee magac-xumo iyo ciqaab adduun iyo mid aakhiraba uu ka dhaxli doono ruux kasta oo taliyey.

Dhanka kale, Qorshaha riyada Soomaaliweyn ee ku jiray go’aamadii ka soo baxay shirkii Isimada, waxa ku lamaan oo ah mid xaqiiqadiisu sugan tahay damaca kooxaha argagixisada ah oo ku wajahan in deegaankani uu gabood u noqdo marka ay meesha ka saaraan nidaamka dawladdeed, nabad-gelyada iyo xasiloonida guud, waxaana darafyada iminka ka dagaalamaya ku jira sida sheegay tobanaan dagaalyahan oo ka soo firxaday kacdoonka dadweyne ee kooxda Alshabaab kaga socda gobollada badhtamaha Soomaaliya.

Qodobadaasi aynu soo sheegnay waxa dheer oo iyaduna meesha ku jirta, qaybna ka ah mishiinnada shirqoolka lagu mija-xaabinayo mustaqbalka Laascaanood, siyaasadda qabiilaysan ee ku salaysan loollanka u dhexeeya qabaa’ilka la abtirsiinta ah bulshada ku dhaqanka gobolka Sool, kuwaasoo hirdan iyaga u dhexeeyaa maskaxda ka duufsaday Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaaladaasi, taasoo ah talaabo si badheedh ah loogu guurayo burburinta masaaliixda iyo danaha umaddeed ee qaranka halkaasi ku dhaqan,waana arrin micnaheedu ka dhigan yahay talo-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaahda “Nin aan kuu furayn yaanu kuu rarrin”

Sidaasi awgeed, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku amaannan dedaallada ay ku dejinayso xasiloonida magaaladaasi, isla markaana intii ay hawshaasi socotay samaysay talaabo kasta oo lagaga baaqsan karo in dagaal ka dhaco iyo inay dunto, ilaa ay ka gaadhay inay xabbad-joojin dhinac ah ku dhawaaqdo, iyadoo duulimaad lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka ee ku sugan fadhiisimada dibada ka ah Magaalada, waxa aan ku boorinaynaa inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho sidii ay dhakhso ugu furdaamin lahayd fidmada iyo mashaqada salka ku haysa arragtiyaha isdiidan ee huriyey xiisada gobolkaasi ka aloosan mudda bisha iyo dheeraadka ah.

Waxa kale oo xukuumadda la gudboon inay qiimayso duruufaha kala duwan ee ku gedaaman, farsamo ahaan iyo siyaasad ahaanba xiisada dami wayday ee ka dab-qaadanaysa dagaalka hubaysan ee maalin walba lagu soo qaadayo Ciidanka Qaranka laga xakameeyey gudashada waajibaadkooda kaga aaddan nabadeynta Magaaladaasi.

Madaxda iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda ku jira ee ka soo jeeda gobolka Sool, bariga Sanaag iyo Buuhoodle waxa iyaggana horyaalla ka jawaabida hal-xidhaale maareyntiisu taariikh cusub qorayso sanadkan, kaasoo ah badbaaddo ama bur-bur midka uu shacbigoodu ku nasan doono bilaha soo socda.

Sidaas darteed, waxa looga baahan yahay inay la yimaadaan ficil iyo go’aamo ay taariikhda qormaysa u kasbadaan boggeeda wanaagsan, taas oo ay ku gaadhi karaan inay arragti midaysan ku qiimeeyaan ujeeddooyinka halista ah ee lagu minjo-xaabinayo mustaqbalka umadda ay ku metelaan goleyaasha Qaranka, marka ay si dhab ah oo midaysan ay u daraaseeyaan cawaaqib-xumadda soo fool lehna ay far waaweyn ku qorraan talada ugu haboon ee lagu soo afjari karo, waddooyinka laga furfurayo iyo miisaanka ay u baahan tahay burburinteeda silsillada dhagaraysan ee Laascaanood iyo deegaamada la hal-maala sida sahlan loogu afduubay, fulinta talaabooyinka talo-ku-uruurtana waa inay iyagu hormuud ka noqdaan, iyagoo ah madaxdii hay’addaha qaranka ee goleyaasha fulinta iyo xeer-dejinta ku metelayey umadda ay halligayaan Oday-dhaqameedyada siyaasadda ku talax tegay, Ganacsatada iyo waddaada awoodda maroorsaday.

Waxa kale oo iyaguna talada arrintaasi doorka madaxda mid lamida ku leh siyaasiyiinta ku jira asxaabta qaranka, kuwa iskood u madaxa banaan iyo aqoonyahanka u dhashay gobolladaasi ku sugan gudaha Somaliland iyo dibada, kuwaasoo oo aan looga fadhiyin wakhtigan adag inay ka aamusaan ama cid kale ku halleeyaan xal u helida dhibaatada ka taagan deegaamada ay waxgaradka iyo wax-aqoonka u yihiin, waana inay dhankooda u kacaan sidii gurmad nabaddeed iyo mid aaddamino oo loogu daabuli lahaa Laascaanood, halka kuwa Muqdisho iyo Garoowe jooggaa ay hubka iyo rasaasta lagu gubayo Magaalada Laascaanood ugu soo qarqinayaan halkaasi.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool gobolada dalka, gaar ahaan caasimada Hargeysa iyo deegaamada kale ee Galbeedka waxa looga baahan yahay in ay xakameeyaan oo ay gabi ahaanba joojiyaan farrimaha cadiifadaysan ee lagaga falcelinayo xaalada magaalada Laascaanood, waana inay waxgaradka iyo dadka codkooda la maqlaa ku waaniyaan dadweynaha, gaar ahaan Haweenka iyo dhalinyarada in aan af iyo addin toona lagu nashuushadaynin dareenka dadka reer Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee la doonayo in lagu muddo sunta lagaga irdhaynayo umadda ay walaallaha yihiin ee qudha iyo qaranku ka dhaxaysay.

Geesta, qorshaha ay xukuumaddu mucaawimada ku gaadhsiinayso dadka rayidka ah ee ka barakacay Laascaanood, waa inay ka qayb-qaataan Culimo-awdiinka, ganacsatada iyo ururrada Bulshadu, isla markaana waa in taakulladaasi la sahamiyo dariiq kasta oo ay ku gaadhi karto shacbigaasi, iyadoo aan loo eeggayn siyaasad iyo inay tix-raac yeellato toona, balse loo fidinayo keliya badbaadinta nololsha Hooyooyinka iyo carruurta sida ku-talo-gal la’aanta ah uga cararray guryahoodii, kuwaasoo aynu qiyaasi karno in xataa mucaawimooyinka ay u baahan yihiin lagaga hor-istaagi karo oo ay kuwa dhibaatadaasi geyeysiisyey abuuri doonaan dacaayaddo iyo ceebayn ay ku cuqdad gelinayaan.

Ugu dambeyn, Furdaaminta Fidmada Laascaanood way dhaaftay farruuryaha ee ficil wada-jir ah oo ka yimaada dhamaan qaybaha aynu tilmaanay ha lagu soo afjaro, inshalah.

 

 

 

 

Leave a Reply