Maayarka Caasimadda Oo Sheegay in Dadka Reer Sool aan Lagu Dhibaatayn Karin Hargaysa

0
252

Hargeisa (Dawan): Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay warar been abuur ah oo maalmahan la isla dhex marayay baraha bulshada oo sheegayay in dad ka soo jeedda gobolka Sool ay ka qaxeen Hargaysa.

Wararkaasi ayuu maayarku ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana caasimadda Hargaysa aan dhibaato loogu gaysan Karin qof reer Sool ah ama qof Soomaaliyeed meesha uu doona ba ha ka soo jeedee.

Cabdikariin Axmed Mooge, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in aan dadka reer Sool cidi ka sheegan Karin Hargaysa oo ay ku noolaan karaan cid wax ku yeeli kartaana aanay jirin, isla markaana ay haystaan damaanad buuxda oo ah in ay ku noolaan karaan.

Sidoo kale maayarka Hargaysa waxa uu soo dhaweeyay xataa cid kasta oo danaynaysa ama damacsan in ay soo degto caasimadda Hargaysa, in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan oo cid ka leh ama ka sheegan kartaa aanay jirin.

Maayarka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Magaaladda Hargaysa, waa caasimadda jamhuuriyadda Somaliland, waana magaalo ka dhaxaysa dhamaan ba dadka reer Somaliland. Iska daa dadka reer Somaliland eh, waa na magaalo aanu doonayno in ay ku filnaato Soomaali oo dhan, in ay degaan, oo maal-gashadaan, oo ay yimaadaan.

Maalmihii tegay waxaanu maqlaynay, warar been abuur ah oo sheegaya dadka ka soo jeedda Sool, ee ku nool caasimadda Hargaysa, in ay ka guurayaan, ama lagu dhibaateeyay Hargaysa.

Aniga oo ku hadlaya af-ka golaha deegaanka ee caasimadda Hargaysa, waxaan doonayaa in aan halakn ku bayaamiyo, in Hargaysa ay tahay hoyga, ama magaaladda dadka reer Somaliland oo dhami ay xaqa u leeyihiin in ay ku noolaadaan, si nabad ah”.

Maayarka Caasimadda Somaliland waxa uu intaas raaciyay, “Dawladda hoose ee Hargaysa, waxaa ka go’an in dadka degan caasimadu in ay si wanaagsan, oo nabad ah, oo dhib la’aan ah ay ugu noolaadaan caasimadda. Caasimadda waxaa xaq u leh inuu soo dego qof kasta oo reer Somaliland ah, iyo qof kastoo Soomaaliyeed, ama adduunka kale ba ka yimid, oo jecel inuu magaaladan ku noolaado, ama uu maal-gashado.

Dadka reer Laascaanood waxaan u sheegayaa magaaladan Hargaysa in aanay cidi kala lahayn. In ay tahay magaaladoodii, caasimadoodii. cid alli-yaalla cid ay ka baqaan, ama ka wel-welaan na ma jirto, in ay ku noolaadaan magaaladda Hargaysa” ayuu yidhi C/kariin Mooge.

Geesta kale maayarka Hargaysa ayaa ugu baaqay bulshadda ka soo jeedda Sool ee ku nool caasimadda Hargaysa haddii ay dareemaan wax cabsi ah in ay la soo xidhiidhaan xafiisyadda dawladda hoose, ama haayadaha kale ee amaanka.

“Haddii ba ay jirto cabsi, ama ay jirto dareen qof deegaankaasi (Sool) ka soo jeedda gala, waxaanu kaa codsanaynaa inuu la xidhiidho xafiiska dawladda hoose ee ugu dhaw, ama haayadaha kale ee amaanka, si dareenka galay aanu wax uga la qabano.

Waxaan jecel nahay dadka reer Sool in ay soo degaan caasimadda Hargaysa, sababta oo ah waa magaaladoodii. nama farxad gelinayso, mana jeclin in qof reer Somaliland ahi uu Hargaysa uga guuro dareen ku dhashay” ayuu yidhi maayarka Hargaysa, C/kariin Axmed Mooge.

 

 

Leave a Reply