Farsamada Khayaalka Iyo Khiyaamooyinka!

0
344

Iyadoo ay jirto in lacagta uu xaday ninkan Israel u dhashay aaney sidaa u sii buurneyn, ayaa hadana wadada uu ku dhacay lacagta ay aheyd mid aad u yaab badan. Tuuggan 47-jirka ah waxaa u suurtagashay inuu dhaco lacag u dhiganta 8300-dolar, oo uu ka dhacay labo banki, isagoo shaqaalaha bankiyada ku cabsi geliyey Avocado uu bambo uga dhigay, waa sida ay daabcaday  shabakadda Fox News.

Sida lagu daabacay websites Fox News nin 47 sano jiray oo u dhashay dalka Israa’il ayaa laba Baank ka dhacay lacag gaadhays $ 8000.  Ninkan ayaa farsamo yaab leh ku dhacay, waxaana uu shaqaalaha baananka ku cabsi geliyay Avocado uu muuqaalkeeda ka dhigay sida Miinada Bambada ah. Waxaana uu markiiba qofka shaqaalaha u dhiibayay warqad uu ku qoray “ Wixii aad lacag hayso shandada iigu rid, waxaan aad arkaysa ee gacantayda ku jiraa waa Bambo haddii aanad sidaa yeelin si dhakhso ayaan kuugu soo tuuraya, si aad u badbaado fuli amarkayga”

Ninkan ayaa ka dhacay $4500 bankiga hore . Iyadoo  muddo laba todobaad ah ka dib ayuu mar kale xirfadaasi uu ku guulaystay  uu ugu dhacay Baak kale isagoo ka qaatay lacag gaadhay $ 3800. Booliiska baadhista denbiyada ayaa Mobilkiisa gaarka ee uu sitay ku raadiyay waxaana ay ogaadeen in hore u ahaa tuug khiyaamo badana. Markii maxkamaddu ku cadaysay denbigana waxa lagu xukumay 3 sano oo xadhig ah.

 

 

Leave a Reply