Guddoomiye Tiinbaro oo Fariin ah u Diray Ardayda Reer Laascaanood ee Boorama Wax-ka-barata

0
506

Borama (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa sheegay in aanay waxba iska baddelin waxyaabihii loo iman jiray magaalada Borama gaar ahaan waxbarashada iyo nabadgelyada

Maxamed Axmed (Tiinbaro) ayaa ugu horeyn waxa uu faahfaahin ka bixiyey xaalada nabadgalyada gobolkaasi Awdal oo tilmaamay in wakhtigan ay meel fiican marayso,   waxaanu dhalinyarada aqoon yahanka ah gobolkaasi aqoonta ka barta uu kula dardaarmay in aanay jirin wax abnidarro ah oo ay ka barakacaan, waxaanu ugu baaqay dhalinyaradaasi in ay aqoontooda sii wataan oo ay dadaalkooda sii laban laabaan, waxaanu intaas ku daray  in magaalada Borama loogu yimaado Waxbarashada iyo Nabadgalyadda oo horumar lagu gaadhi karo.

Geesta kale waxa uu ardayda reer Laascaanood ee wax ka barta magaalada Borama   ku booriyey in aanay qaadan wararka been abuurka ah ee ay siiwataan hayaankooda waxbarasho, waxaanu intaas raaciyay   in reer Somalland jecel yihiin dhalinyaradooda aqoonyahanka ah  meelkastooy joogaan.

Gabo’gabadii waxa uu dhallinyarada magaalada Borama wax ka barata u balanqaaday in aanay jirin cid abnigooda waxyeeli karta, waxaanu cadeeyay in nabadgelyada magaalada Borama ay tahay mid buuxda, oo aan cidna looga baqayn.

“Boorama iyo gobolka Awdal waxa loo iman jiray waxbarashada iyo nabad-galyada  labadii midna waxba iskama bedelin,

Dhalinyarada Laascaanood ee wax ka barta Boorama waxaan leeyahay been yaan la’idiin sheegin, qofku meel laga jecelyahay haddii uu ka tego meel laga neceb yahay ayuu tegaay’e reer Boorama way idin jecel yihiin ee wax-barashadiina  iska wata”

 

Leave a Reply