Saamaynta Taban ee uu Isbedelka Cimiladdu Ku Yeeshay Xoolo Dhaqatadda iyo Beeralayda

0
262

Guud ahaanba waxaa uu caalamku sodonkii sanadood ee la soo dhaafay ala tacaalayay wax ka qabashadda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda adduunka iyo saamaynta xun ee uu ku yeeshay nolosha aadanaha.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ama ugu waaweyn ee keenay waxyeeladda soo gaadhay deegaanka iyo dhibaatooyinka saamaynta nololeed keenay ayaa loo aanaynayaa isbedelka cimiladda adduunka ku dhacay.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa saamaynta bulshadda reer Somaliland gaar ahaana xoolo dhaqatadda ku yeelatay dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka ku dhacay.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa si joogto ah ugu soo noq noqonayay abaaro is xig xigay oo sii xoogaysanayay ilaa sanadkii 2015-kii.

Abaarahaasi soo noq noqday iyo roob yaraanta dhacday ayaa saamayn xun ku keentay dadka xoolo dhaqatadda ah maadaama oo bulshadda reer Somaliland oo si weyn ay noloshoodu ugu tiirsan tahay xoolaha nool.

Bishii January ee 2022-ka, ayaa guddida Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland waxay qiyaaseen in in ka badan 800,000 oo qof oo dalka ku nool ay soo food saartay cunto yari iyo biyo la’aan ba’an oo ay sabab u tahay saddex xilli oo roobaad oo xidhiidh ah oo baaqday.

Saamayntu waxay masiibo ku noqotay qaranka 3.5m oo qof, halkaasoo dhaq-dhaqaaqa xooluhu ay ka yihiin qiyaastii 70 boqolkiiba dhaqdhaqaaqa dhaqaale. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Somaliland keligeed maaha saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda, balse guud ahaan Geeska Afrika gobol ay ku jiraan Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti iyo qaybo ka mid ah Suudaan iyo Kenya, abaartu waxay noqotay wax caadi ah oo cusub.

Sida laga soo xigtay saynisyahano Maraykan ah, gobolka ayaa si degdeg ah u qallalay qarnigii 20aad marka loo eego wakhti kasta oo kale 2,000 sano ee la soo dhaafay.

Dhibaatooyinkan ka dhashay abaaraha soo noq noqday, roob yaraanta, iyo xaalufka ku dhacay deegaanka ayaa qayb ka ah saamaynta xun ee ay deegaamadda Somaliland ku yeelatay isbedelka cimiladda.

Isbeddellada heerkulka Badweynta Hindiya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo la mid ah ifafaalaha El Niño ee Pacific-ga, ayaa dabaylo u jihaystay dhanka bari, iyaga oo riixaya hawo qoyan oo sida caadiga ah roobka u keenta bariga Afrika oo ka fog qaaradda.

Xoolo dhaqatadda reer Somaliland ayaa ah cida ay sida xun u saamaysay isbedelka cimiladu, waxaana dhacday in dhul daaqsimeedkii ay xoolo dhaqatadu xoolaha ku soofsan jireen in ay dad si gaar ah beerro uga dhigteen.

Halka dhulka intiisii kalena ay xaaluftay iyadoo isbedel aad u weyn uu ku yimid dhulkii uu daaqu ka soo bixi jiray, sidoo kale waxaa dhacday in xaaluf aad u daran uu ku yimid dhul daaqsimeedkii Somaliland.

Waxyaabaha sida gaarka ah u sababay dhibaatadda soo gaadhay deegaanka Somaliland waxaa ka mid ah Dhuxulaysiga oo lagu jaray dhir aad u fara badan oo kumanaan geed ah sanad walba.

Maadaama oo ay xoolaha nool yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland iyadoo sidoo kalena ay si toos ah ugu tiirsan tahay nolosha bulshadda reer Somaliland ee xoolo dhaqatadda ah, iyo kuwa magaalooyinka ku nool ba.

Isbeddelka cimiladu waxa ay uga sii dartay xaalad bini’aadantinimo oo ka jirta Somaliland oo ay ka dhasheen dagaallo sokeeye oo sannado badan socday iyo macaluul ka dhacday inta badan bariga Afrika sannadkii 2011, oo ay ku naf waayeen 260,000 oo qof.  Sida laga soo xigtay qaramadda midoobay.

“Isbeddelka cimiladu waa dhab oo Somaliland way ka jirtaa, waxayna noqonaysaa masiibo,” ayay tidhi Shukri Ismaaciil Baandaari, wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Abaarihii 2016 iyo 2017 ayaa dilay 80 boqolkiiba xoolihii, dhoofintii ugu waynayd iyo saldhigga dhaqaalaha Somaliland.

Isbeddellada heerkulka Badweynta Hindiya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo la mid ah ifafaalaha El Niño ee Pacific-ga, ayaa dabaylo u jihaystay dhanka bari, iyaga oo riixaya hawo qoyan oo sida caadiga ah roobka u keenta bariga Afrika oo ka fog qaaradda.

“Isbadal weyn ayaa dhacay hal mar oo nolosha ah,” Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa u sheegay Financial Times. “Konton sano ka hor, waxaan ahayn dhul doog iyo duur-joog ah, sida geedaha Kenya iyo Ameerika.”

“Afar sano oo isku xigta oo xaalad degdeg ah ayaa ku dhufatay Somaliland si aad ah waxayna ku saabsan tahay isbeddelka cimilada,” ayay tidhi Shukri Bandare, wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda deegaanka ayaa sanadahan danbe ku hawlanayd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda iyo saamaynta ay ku yeelatay deegaanka.

Waxaanay wasaaradu qaaday tallaabooyin dhawr ah oo arrintaasi wax lagaga qabanayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin sidii loo joojin lahaa dhuxulaysiga, oo qayb weyn ku leh xaalufka deegaanka.

Waxyaabaha sababay abaaraha soo noq-noqday waxaa koow ka ah isbedelka cimiladda, kaasoo saamayn weyn ku yeeshay guud ahaanba deegaanka wadamadda caalamka, isla markaana dhibaatooyinka ka dhashay ay ka mid yihiin abaarraha.

Isbedelka cimiladda ayaa sidoo kale waxyaabaha uu keenay waxaa ka mid ah in malaayiin dadyowga adduunka ku nool ay u ka qaxeen deegaamadii ay ku noolaayeen, ee baadiyaha ahaa ama xoolaha iyo beeraha ku haysteen. Kuwaasoo u qaxay dhinaca dhulka magaalooyinka iyo tuulooyinka ah.

Saamayntaasi xun ee   ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka oo xataa dalkeena laga dareemi karro ama si cad uga muuqata ayaan weli maarayn rasmi ah loo helin, marka laga reebo in wadamadda caalamka ee  dhinaca wershadaha ka horumaray ay go’aamo arrimahaa wax lagaga qabanayo ka soo saareen shirar heer caalami ah oo ay yeesheen.

 

 

 

 

Leave a Reply