Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda JSL oo ka Hadlay Xaaladda Laascaanoood

0
386

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ka bixista ciidamada millateriga ee Laascaanood iyo Tukaraq ku tilmaantay qorshe lagu hirgalinayo xabad joojintii ay ku dhawaaqday 10 kii bishan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaadkeeda guddaha, isaga oo ka hadlaya xaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi “Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go’nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida aanu yeelnay todobanaan sanno, anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoontahay in xaalada hada ee Laascaanood la xalin doono”

Wasiirka oo si gaara u dul istaagay ka bixitaanka Millateriga Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo Tukaraq, ayaa sheegay in ay tahay talaabo lagu dhowrayo bad qabka shacabka, kadib baaqyo uga yimid shacabka iyo beesha caalamka. Waxaanu yidhi “Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka, iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya shacabkayaga iyo saaxiibadayada caalamiga ah, saaka (Shalay) subixii hore ciidamada Somaliland waxay dib uga gurteen faramihii hore, waxayna iskugu tageen saldhigyo cayiman”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud waxa uu sheegay in xukuumada ay ka go’antahay in Laascaanood aanay gabaad u noqon kooxaha argagixisada ah, wuxuuna sheegay in ay ugu baaqayaan ciidamo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay baneeyaan magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamada millaterigu ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland, laakiinse, ay sidaa u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad joojintu hirgasho.

 

 

 

 

Leave a Reply