“Waxaan Ku Baaqayaa In Xabad Joojintii Xukuumadda Ku Baaqday ay Garaadadu Qaataan”

0
358

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Jirde Siciid oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Jirde Siciid ayaa waxa uu soo jeediyay in wadahadal lagu dhameeyo Xaalada ka taagan Magaalada Laascaanood,

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa aan ku baaqayaa in wadahadal layskugu yimaado xabadana la joojiyo,xabad joojintii Xukuumadda ku baaqday waa in dhinaca kalena qaataan. Garaadada ku sugan Magaalada Laascaanood waxa aan leeyahay xabada joojiyo oo nabada qaata oo wadahadal halays kugu yimaado,waxaana Gobalka Sool ku sugan Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida.waxaana aan ugu baaqayaa in nabada ka shaqeeyaan doorkayagana waanu qaadanaynaa ka gole guurtida ahaan”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu fariin u diray qaar ka mida Beesha Gabooye oo sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhacay Magaalada Laascaanood.Waxa uu yidhi”Qolo tidhi waxa aanu nahay Gabooye oo Laascaanood ka dagaalamaysa waxa aan leeyahay dabka aad hurinaysaan joojiya,wax Gabooye la yidhaahdaa majirto waana lagu kala tagay hadaad tihiin Madhibaanka bari daga ka daaya dabka aad shidaysaan”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply