Wasiirka Cadaaladda Oo Xadhiga Ka Jaray Dayr Cusub Oo Loo Dhisay Xabsiga Dhexe Ee Boorama

0
160

Boorama (Dawan): Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa shalay xadhiga ka jaray Dayrka cusub ee lagu kordhiyay xabsiga dhexe ee magaaladda Boorama.

Sidoo kale wasiirka iyo masuuliyiinta la socday waxay isla shalay dhagax dhigeen lix hool oo dhismahoodda lagu soo kordhinayo gudaha dhismaha xabsiga Boorama, kuwaasoo shan ka mida loogu talloo galay Ragga, halka mid keliyana loogu tallo galay Dumarka.

Dhismaha Dayrka xabsiga Boorama ayaa la dhagax dhigay bishii 10aad ee sanadkii hore, xabsiga dheexe ee magaaladda Boorama ayaa markii hore aan lahayn wax Dayr ah, balse xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ayaa noqotay tii u horaysay oo dayrkaasi u dhista xabsiga Boorama.

Saraakiisha iyo madaxda xabsiga dhexe ee Boorama ayaa sheegay in mudadii hore ay dhibaato weyn ku qabeen ilaalinta, iyo hawlaha xabsiga ee Dayr aan lahayn awgeed. Kuwaasoo xukuumadda madaxweyne Biixi, uga mahad celiyay inay maalgelisay.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, “Guul weyn bay noo tahay, in aynu maanta (shalay) xadhiga ka jarno dayrka aynu ku wareejinay xabsiga dhexe ee Boorama, oo dhererkiisu gaadhayo ilaa 350 mitir, kaasoo uu inoogu deeqay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kalena waxaan dhagax dhigaynaa lix hool, kuwaasoo wax weyn ka tari doona baahiyihii xabsiga. Maanta wax weyn baa u soo kordhay xabsigii dhexe ee Boorama.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waan uga mahad celinayaa in mar kastoo uu taliyaha ciidanka asluubtu soo gudbiyo baahi ay xabsiyadu qabaan, inuu markiiba aqballo”.

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhismaha Dayrkan cusub ee lagu soo kordhiyay xabsiga dhexe ee Boorama. Waxaanu yidhi, “Aad baan ugu mahadinayaa xukuumadda, iyo madaxweynaha ba, oo noogu deeqay in ay dayrkan noo dhisaan.

Imika na noogu soo daray weliba, lix hool oo kale in aanu dhisano, aad baan ugu mahad naqayaa, waanan ku amaanayaa wasiirka wasaaradda Cadaaladda, iyo taliyaha ciidamadda asluubta oo dedaal dheer u galay. Lixda hool ee maanta (shalay) la dhagax dhigay, shan ka mid ah waxaa loogu taloo galay ragga, midna Dumarka” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

Geesta kale taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Yuusuf Cawaale (Libaax), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hirgelinta dayrkan lagu kordhiyay xabsiga dhexe ee Boorama, waxaanu tilmaamay in markii hore ay ciidanka ilaalladu dhibaato ku qabeen, balse taasi ay hadda meesha ka baxday.

 

 

 

 

Leave a Reply